NIYAD-JAB: Barcelona Oo Loo Diiday Loo Diiwaangeliyo Saxeexyada Cusub Ee Ay Samaysay Saacado Kaddib Markii Lewandowski Lagu Soo Bandhigay Camp Nou

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa jawaab ka nixisay kala kulantay maamulka horyaalka Spain ee LaLiga oo ay u gudbisay liiska ciyaartoydeeda cusub ee xagaagan ay la saxeexatay, kuwaas oo ay doonaysay in loo diiwaangeliyo ka hor inta aanu bilaabmin horyaalka Spain ee Laliga.

Barcelona oo xagaagan la saxeexatay lix ciyaartoy oo lba ka mid ah ay si bilaash ah kula soo wareegtay ayaa la kulantay jug aanay filayn, kaddib heshiisyo dhaqaale ay ku helayso oo ay samaysay labadii bilood ee ugu dambeeyey.

Sida ay shaacisay warbaahinta waddanka Spain, Barcelona ayaa loo sheegay in aanay buuxinin shuruudaha u ogolaanaya in loo diiwaangeliyo ciyaartoydeeda cusub, waxaanay shuruudahaasi yihiin kuwo la xidhiidha dhinaca dhaqalaha oo naadiga reer Catalonia uu aad ugu hooseeyey xilli icyaareedyadii ugu dambeeyey.

Sida uu sheegay wariye Colin Millar oo ka tirsan wargeyska Daily Mirror, LaLiga ayaa si cad u diiday Barcelona oo u gudbisay liis shan ciyaartoy ku qoran yihiin oo ay dalbatay in loo diiwaangeliyo. Ciyaartoydan ayaa kala ahaa Robert Lewandowski, Raphinha, Jules Kounde, Franck Kessie iyo Andreas Christensen.

Waxa kale oo Barcelona loo diiday in loo diiwaangeliyo Ousmane Dembele iyo Sergi Roberto oo labadaba loola macaamilayo sidii saxeexyo cusub maadaama ay heshiisyo cusub saxeexeen xilli uu dhacay qandaraaskoodii hore oo ay xor ka noqdaan Barcelona.

Warka ayaa intaa ku daray, in Barcelona  laga doonayo inay iibiso qaar ka mid ah ciyaartoydeeda lacagta badan usoo hoynaya, sidoo kalena ay dhinto mushaharka kooxda ee sannadlaha ah.

Arrintan ayaa fursad fiican siin karta Manchester United iyo Chelsea oo ku dagaallamaya saxeexa Frenkie de Jong, balse waxay sidoo kale Barcelona isku dayaysaa inay meesha ka saarto ciyaaartoyda ay ka mid yihiin Memphis Depay, Martin Braithwaite, Miralem Pjanic iyo Samuel Umtiti si loogu ogolaado in loo diiwaangeliyo ciyaartoydeeda.

Si kastaba ha ahaatee, madaxweynaha Barcelona ee Joan Laporta ayaa maanta oo Jimce ahayd sheegay in muddo laba bilood ah ay kusoo xareeyeen dhaqaale gaadhaya €868 milyan oo Euro oo ilo kala duwan ka imanaya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*