“Neymar Ayaa Igu Yidhi, Anigu Xulka Waan Ka Fadhiisanayaaye Adigu La Wareeg No10-ka”

Iyadoo shan bilood oo kali ahi ka hadhsan yihiin Koobka Adduunka, xiddiga reer Brazil ee Neymar ayaa u sheegay ciyaartoy ay isku waddan yihiin in uu ku wareejinayo No.10, isla markaana uu ka fadhiisanayo ciyaaraha caalamiga ah.

Brazil oo ku jirta waddamada ugu cadcad ee loo saadaalinayo koobka Adduunka ee bisha November ka bilaabmi doona waddanka Qatar, balse marka uu dhamaado haddii ay guuleystaan iyo haddii kaleba, waxa loo badinayaa in uu noqon doono midkii ugu dambeeyey ee uu Neymar ciyaaro.

Laacibkan ayaa hore usii sheegay in Koobka Adduunka ee soo socda uu noqon doono midkii ugu dambeeyey, xilli uu ka cabanayay taageereyaasha xulka qaranka oo uu tilmaamay inay culays badan oo shaqsi ah ku hayaan.

Neymar ayaa la sheekaystay xiddiga da’da yar ee Real Madrid ee Rodrygo, waxaanu u sheegay in uu ka fadhiisanayo ciyaaraha caalamiga ah, taas darteedna uu isaga ku wareejinayo No.10-ka, inkasta oo go’aankaasi aanu isaga u oollin.

Rodrygo ayaa yidhi: “Ney wuxuu igu yidhi ‘waan ka tegayaa xulka qaranka, No.10-ka adiga ayaa iska leh’.

“Xataa waxa aan garan waayay wax aan ku idhaahdo, wuu iga yaabiyey, waan qoslay waxaanan awoodi waayay in aan naftayda sifayn karo, waxa aan galay farxad [No.10-ka ayuu ku faraxsan yahay].”

Isaga oo hadlakiisa sii wata ayuu Rodrygo yidhi: “Kaddib waxa uu igu yidhi, ‘waa in aad  u ciyaarto xulka qaranka muddo dheer’, laakiin anigu ma doonayo in aan hadda dhaxlo No.10.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*