Naby Keita Oo Liverpool U Sameeyey Ballan-qaad Wax Walba Uu Ku Beddelayo

Laga soo bilaabo fasaxii caalamiga ahaa ee bishii March, tababare Jurgen Klopp ayaa helay kala doorashooyin khadka dhexe ah, waxaana uu isku beddelayay Naby Keita oo u muuqda inuu si buuxda uga soo kabtay dhaawacyadii hoos u dhigayay xirfaddiisa iyo Jordan Henderson oo isaguna firaaqo helay. Tani waxay Liverpool ka caawinaysaa inay ku tartanto dhamaan koobabka xilli ciyareedkan.

Kabtanka Liverpool ee Jordan Henderson waxa uu kusoo bilowday ciyaartii badhtamihii usbuucii hore ee Villarreal, halka Naby Keita uu isaguna usii nastay kulankii Newcastle United oo uu wacdaro ka  dhigay, guushana isagu keenay.

Fabinho iyo Thiago Alcantara ayaa iyagana si lama filaan ah kursiga kaydka loo geliyey kulankii Newcastle United, waxaana boosaskooda ka ciyaaray James Milner iyo Jordan Henderson, wax walaac iyo dhibaato ahna saddexdan laacib kuma aanay abuurin jamaahiirta kooxdooda.

Thiago ayaa loo nasiyey kulanka Villarreal ee lugta labaad ee Salaasada ka dhacaysa waddanka Spain, si uu usii wadan karo bandhiggii heerka sare ahaa ee uu ka sameeyey kulamadii Man City, Manchester United, Everton iyo Villarreal oo baas-bixintiisu ahayd 92%, 96%, 98% iyo 96%. Laakiin maqnaanshihiisii kulankii Newcastle, waxay fursad uu isku muujiyo u noqoto Keita oo dib u helay qaab-ciyaareedkiisii cajiibka  ahaa, isla markaana dhaliyey goolka ay Liverpool guushu ku raacday.

Cadaadiskii uu ku hayay Newcastle United waxa uu fursado siinayay Luis Diaz iyo Diogo Jota oo ka faa’iidaysanayay sida fudud ee uu kubbadaha ugu dhiibayay iyo difaaca oo uu ka cadaadinayay marka loo baahdo, halka Milner uu isaguna ahaa boqorka taakalka ee ciyaarta.

90 daqiiqadood oo uu ciyaaro isaga oo aan dhibaato dareemin waqti hore ayaa ugu dambaysay Naby Keita oo sannadkii 2018 ay Liverpool lacag gaadhaysa £52.75 milyan oo Gini kaga soo iibsatay RB Leipzig.

Dhaawacyo ragaadiyey ayaa u diiday inuu hal-abuurkiisa uga faa’iideeyo Liverpool, laakiin waxa ballan-qaaday in lacagta badan ee ay Reds gelisay uu ku gudi doono garoonka dhexdiisa.

Qandaraaska uu kula jiro Liverpool ayaa soconaya illaa 2023, waana sannad kaddib hase yeeshee waxa uu Naby Keita ka ogolaanayaa kooxda, diyaarna u yahay inuu qalinka ku duugo heshiis cusub, taas oo beddelaysa qorshihii hore ee kooxda ee ahaa inay raadsato ciyaartooyo khadka dhexe ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*