Taageereyaasha kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa u malaynaya inuu ku dhacay habaar uga yimid Eden Hazard kaddib markii ay dib ugu noqdeen hadalkiisii mcasalaamaynta ahaa ee waqtigii uu uga wareegay Real Madrid sannadkii 2019, kaas oo hadda si weyn loogu faafinayo baraha bulshada.
Xiddiga reer Belgium ayay Real Madrid ku iibsatay lacag gaadhaysa £130 milyan oo Gini sannadkii 2019, waxaase uu Santiago Bernabeu kula kulmay xaalad aanu filayn iyadoo dhaawacyo ku habsadeen bilowgiiba markii dambena ay boos la’aani ku dhacday.
Eden Hazard oo 32 jir ah ayaa Chelsea ay la saxeexatay sannadkii 2012, waxaana lagu tilmaamay inuu ahaa ciyaartoygii ugu tayada wanaagsanaa ee ay Blues hesho, isaga oo kula guuleystay Premier League laba jeer, FA Cup, League Cup iyo laba Europa League.
Intii uu Stamford Bridge joogay waxa uu saftay 352 ciyaarood oo uu dhaliyey 110 gool, balse markii uu kasii tegayay Chelsea sannadkii 2019 ayuu yidhi: “Chelsea iyo taageereyaasha Chelsea waxay maar walba ii ahaan doonaan kuwo khaas ah, xilli-ciyaareedka dambena waxa aan mark hore eegi doonaa natiijooyinkiina.
“Waxa aan rajaynayaa in aynu isku dhici doono Champions League xilli ciyaareedka dambe iyo in ay sannad walba kulmi karno.”
Hadalka Eden Hazard ayaa ay taageereyaasha Chelsea dib usoo geliyeen baraha bulshada kaddib isku-aadkii wareegga siddeedda Champions League ee Jimcihii la sameeyey, waxaanya u qaateen inuu habaaray oo ay dhab tahay, maadaama ay u tahay sannadkii saddexaad ee xidhiidh ah ee ay kulmayaan.
Mid ka mid ah taageereyaasha Chelsea ayaa yidhi: “Wuu na habaaray, sababtoo ah markii hore kama aanaan hortegi jirin Real laakiin hadda waanu isku dhacnaa uun.”
Taageere labaad ayaa isaguna soo qoray: “Hazard, waad ku mahadsan tahay habaarkaaga.”
Si kastaba, Eden Hazard ayaa afartii sannadood ee uu joogay Real Madrid waxa uu u saftay 73 ciyaarood oo kaliya oo uu u dhaliyey toddoba gool oo kaliya isag oo caawiyey 11 gool.
Be the first to comment