Muxuu Ahaa Ballan-qadkii Layaabka Lahaa Ee N’Golo Kante Uu Sameeyey Ka Hor Ciyaartii Everton?

Xiddiga reer France ee N’Golo Kante ayaa ballan-qaad layaableh u sameeyey ciyaartoy ay isku koox yihiin oo Chelsea ay ka wada tirsan yihiin, laakiin waa haddii uu gool dhaliyo ciyaartiisa ugu soo horreysa ee uu kasoo laabto dhaawaca oo ahayd kulanka Everton ee uu kaydka kusoo bilowday.

N’Golo Kante oo ay garoomada ugu dambaysay iyadoo uu Chelsea tababare u yahay Thomas Tuchel oo bishii September shaqada laga eryey ayaa uu ballanqaadkiisu fuli lahaa haddii uu gool ka dhalin lahaa ciyaarta Everton.

Laacibkan oo markii ugu dambaysay ee uu Blues u ciyaaro ay ahayd kulankii ay Tottenham barbarraha 2-2 ah la galeen, ayaa waxa haddii uu gool dhalin lahaa uu ballan-qaaday inuu sameeyo arrin layaab leh, iyadoo taageereyaashuna ay la kulmi lahaayeen arrin cusub.

Tababarkii Chelsea ee ka hor ciyaarta Everton, ayaa waxay N’Golo Kante sheekaysteen Ben Chilwell, ayaa waxa uu ballan-qaaday in haddii uu shabaqa soo taabto uu samaynayo dabbaal-deg weyn isaga oo jilbaha ku ordaya.

N’Golo Kante ayaa yidhi: “Haddii aan dhaliyo ciyaartayda ugu horreysa, waxa aan ku ordi doona jilbaha.”

Kante ayaa markaas kaddib waxa uu gacan-qaaday Ben Chilwell, Mykhailo Mudryk iyo Christian Pulisic, iyadoo difaaca England uu ugu jawaabay “waxa aan doonayaa in aan arko sida aad ugu fashilanto.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*