Mustaqbalka Ronaldo, Xiddiga Arsenal Isha Ku Hayso & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa

Cristiano Ronaldo ayuu saxeexiisa u dhaxeeyaa Newcastle United iyo kooxda ree Sacuudi ee Al-Nassr kaddib markii xalay la kansalay heshiiskiisa Man United. (Marca – in Spanish)

Manchester United ayay lacag mushahar ah oo 15.5 Milyan pound ahi u badbaaday kaddib heshiiskii ay wadajirka ula kansaleen Ronaldo. (Times – subscription)

Manchester United qiimaheeda suuqa ayaa 17% kor u kacay isla markii qoyska Glazer ay xalay shaaciyeen inay kooxda iibinayaan. (Sky via Express)

Chelsea ayaa wadahadalo la furi doonta Cristiano Ronaldo oo uu saxeexiisa doonayo mulkiile Todd Boehly balse tababare Graham Potter ayaan aad ugu qanacsanayn. (CBS via Sun)

Chelsea iyo Newcastle ayaa iska fogeeyay inay u dhaqaaqayaan saxeexa Ronaldo halka Inter Miami  la fahamsan yahay inay xiddigo kale isha ku hayso. (Telegraph)

Ronaldo goolashiisii Man United tan iyo markii uu kusoo laabtay ayaa 1.2 Milyan pound ku qiimaysan marka loo eego lacagta uu kooxda ka qaatay. (Mail)

Arsenal ayaa ka fikiraysa inay suuqa January u dhaqaaqdo khadka dhexe ee Palmeiras ee Danilo. (Sun)

Newcastle United ayaa diyaar u ah inay 10 Milyan oo pound siiso Borussia Monchengladbach  si ay ugala wareegto weeraryahan Marcus Thuram oo heshiiskiisu xagaaga dambe dhacayo. (Football Insider)

Borussia Dortmund weeraryahankeeda da’yarta ah ee Youssoufa Moukoko ayaa ku jira wadahadalo uu kooxda kusoo joogayo walow kooxo badan lala xidhiidhinayo. (Fabrizio Romano via Sportbible)

Manchester City tababaraheeda Pep Guardiola ayaa aqbalay heshiis kordhin labo sano oo kale ah oo gaadhsiisan ilaa 2025. (The Athletic – subscription)

Aurelien Tchouameni ayaa sheegay in Liverpool ahayd kooxdii ugu horreysay ee saxeexiisa doonaysay balse uu isagu rabay Real Madrid. (Le Parisien via 90 Min)

Memphis Depay ayaa sheegay inuusan hubin mustaqbalkiisa Barcelona xilli kooxo Premier League ah lala xidhiidhinayay xagaagii. (Mirror)

La taliye Barcelona ayaa kooxda ka difaacay hadalkii Frenkie de Jong ee ahaa inay kooxdu heshiiskiisa fashilisay. (Mirror)

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*