Mucjisada Uruguay, Kubbad-sameeyaha Brazil, Guuleystaha Soo Dallacay Ee Xallinaya Mushkiladda Khadka Dhexe – Man United Oo Heshay Jiil Dahabi Ah Oo Xagaagan Fagaareyaasha Soo Gelaya

Manchester United waxay geli doontaa safar gaadhay 23,000 mile inta lagu jiro kulamada saaxiibtinimo ee xagaagan ee ay iskugu diyaarinayaan xilli-ciyaareedka cusub, waxaana iyadoo uu tababare Erik ten Hag hoggaaminayo ay iskaga gooshi doonaan Bangkok, Melbourne, Perth iyo Oslo.

Erik ten Hag ayaa waqtiyada ay kooxdiisu safarka ku maqan tahay, waxa uu dhuuxi doonaa xiddigihiisa iyo kartida ay u leeyihiin inay kooxda guulo gaadhsiin karaan, isagoo sidoo kalena raadin doona xalkii uu Red Devils kaga saari lahaa dhibaatooyinkii ay kusoo jirtay xilli ciyaareedkii hore ee 2021-22.

Tababaraha cusub ayaa mar horeba bilaabay shaqo adag oo uu daaha gadaashiisa ka waday, isaga oo xulanayay ciyaartoyda uu doonayo in loo keeno oo ay kooxdu soo iibsato, inkasta oo aanay wali ku guuleysanin wax saxeex ah, hase yeeshee waxa uu filayaa in meelaha ay ka liitaan ay iska xoojin doonaan.

Inta lagu maqan yahay safarka 23,000 mile qaadanaya, Ten Hag ayaa fursad siin doona ciyaartooyo la illoobay oo ku jiray khananka aan lagu xisaabtamin ee Old Trafford.

Kulamada saaxiibtinimo ee ay ciyaarayso Manchester United

July 12 vs Liverpool (Bangkok)

July 15 vs Melbourne Victory (Melbourne)

July 19 vs Crystal Palace (Melbourne)

July 23 vs Aston Villa (Perth)

July 30 vs Atletico Madrid (Oslo)

July 31 vs Rayo Vallecano (Old Trafford)

Ciyaartoyda la illoobay ee fagaareyaasha soo gelaya

Xiddiga reer Brazil ee Andreas Pereira ayaa dib ugu soo laaban doona Manchester United oo uu u saftay 40 ciyaarood waqtigii tababare Ole Gunnar Solskjaer, laakiin amaah loogu diray waddankiisa Brazil oo uu kaga biiray kooxda Flamengo.

Imaatinkii Bruno Fernandes ayaa meesha ka saaray Pereira, waxaana heshiiskii amaahda ahaa ee loogu diray Flamengo ku jiray qodob kooxda reer Brazil u ogolaanaya in ay si rasmi ah ugula wareegto £8.9 milyan oo Gini, hase yeeshee qalad uu sameeyey finalkii Copa Libertadores oo kubbad uu dhiibay bishii November ay sabab u noqotay in kooxdiisu guul-darraysato oo koobka ay qaaddo Palmeiras ayaa sababtay in kooxdaasi ay go’aansato in aanay si rasmi ah ula wareegin.

26 jirkan dhexda hore ee kubbad-sameeyaha ah ayaa kusoo laaban doona United oo uu tababare Erik ten hag soo dhoweyn doonaa.

Waxa kale oo Manchester United usoo laaban doona xiddiga da’da yar ee cajiibka ah ee Facundo Pellistri oo u dhashay waddanka Uruguay, kaas oo Manchester United ay kala soo wareegtay Penarol isaga oo 18 jir ah, laakiin amaah loogu diray kooxda reer Spain ee Alaves.

Sidoo kale, James Garner oo xilli ciyaareed amaah ahaa oo uu kusoo qaatay Nottingham Forest iskusoo muujiyey, qaybna kasoo qaatay guulihii ay kooxdaasi gaadhay ee ay ugu soo dallacday heerka labaad ayaa isaguna dib ugu soo noqonaya Old Trafford, iyadoo waliba ay si weyn u doonayaan kooxaha Leicester City, Everton, Southampton iyo Leeds United.

21 jirkan kasoo baxay kulliyadda da’yarta Manchester United oo u ciyaara xulka da’yarta ee England, ayaa waxa kusoo laabashada Old Trafford ku wehelinaya Tahith Chong oo xilli ciyaareed amaah ahaa kusoo qaatay Birmingham City laakiin dhaawac halis ah oo gaadhay uu sababay inuu garoomada ka  maqnaado intii u dhaxaysay October illaa February.

Amad Diallo oo amaah ku joogay Rangers, Axel Tuanzebe oo qaybtii dambe ee xilli ciyaareedka amaah ugu maqnaa  Talyaaniga, Brandon Willisams iyo Teden Mengi ayaa dhamaantood kusoo laabanaya United oo safarka dheer iyo kulamada saaxiibtinimo ee Red Devils qayb ka noqon doona.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*