Miyey Dib Usoo Ceshanayaan? Barcelona Oo Caddaysay Haddii Ay La Saxeexanayaan Neymar Oo Shan Sannadood Ka Hor Ay Lacag Rikoodh Jabis Ah Kaga Iibiyeen PSG

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa go’aan cad ka qaadatay xiddiga reer Brazil ee Neymar Jr oo ay suuqa soo dhigtay kooxdiisa Paris Saint-Germain, kaas oo naadiyada lala xidhiidhinayo ay ku jiraan Barcelona, Chelsea iyo Manchester United.

30 jirkan oo kooxda reer France ay sannadkii 2017 kaga iibsatay Barcelona lacagtii ugu badnayd ee abid lagu iibsado ciyaartoy kubadda cagta ah, illaa haddana aanay jirin cid xataa usoo dhowaatay, ayaa la sheegay in PSG ay doonayso inay lacag yar oo jaban ku iibiso.

Kaddib markii ay PSG heshiis cusub ka saxeexay Kylian Mbappe, sidoo kalena uu isbeddel ku yimid maamulka oo meesha laga saaray Leonardo oo ahaa agaasimihii kubadda cagta kooxdaas oo u dhashay Brazil iyo sidoo kale tababare Mauricio Pochettino oo isagana caydhintiisa lagu dhawaaqayo ayaa waxa liiska ciyaartoyda aan laga doonayn PSG lagu daray Neymar oo shan sannadood ka hor ay €222 milyan oo Euro kaga soo iibsadeen Barcelona.

Xiddiga reer Brazil oo la rumaysan yahay in uu ka cadhooday hadal uu usbuucii hore sheegay madaxweynaha PSG ee Nasser Al Khelaifi ayaa qiimihiisa lagu sheegay €50 milyan oo Euro, waxaanay Barcelona fursad u haysataa in xiddiga ay lacagta badan ka samaysay sannado ka hor ay dib ugu soo ceshato lacag yar oo jaban.

Hase yeeshee sida uu sheegay wariyaha ciyaaraha ee Marcelo Bechler, Barcelona ayaa go’aan ku gaadhay in aanay xiddiga reer Brazil la saxeexan, waxaanay sababtu tahay duruufo dhaqaale oo haysta oo ka hor joogsanaya inay lacagta intaas le’eg bixiyaan, sidoo kalena ay mushahahar badan ugu daraan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*