Miyay Rudiger Iyo Tchouameni Toos Usoo Galayaan Shaxda Koowaad Ee Real Madrid? Akhriso Go’aanka Ancelotti

Real Madrid ayaa xagaagan ilaa haatan ka samaysay kaliya laba saxeex oo kala ah khadka dhexe ee Aurelien Tchouameni iyo daafaca dhexe ee Antonio Rudiger.

Tchouameni ayay kooxo badan oo Yurub ahi saxeexiisa doonayeen kahor inta aysan Madrid 80 Milyan oo euros kaga qaadan AS Monaco halka Rudiger uu qaab xor ah kaga yimid Chelsea.

Si kastaba, sida uu sheegayo wargeyska Diario AS, tababare Carlo Ancelotti ayaa gaadhay go’aanka ah inuu keydka xilli ciyaareedkan ku bilaabo marka hore labadaas saxeex oo ay boosaskooda halkaas uga soo dagaalamaan.

Tchouameni ayaa fadhiyi doona maadaama si fiican looga warqabo khadka dhexe ee Real Madrid iyo sida uu u yahay mid ay adagtahay in la iska galo, waxa uu noqon karaa bedelka ugu qaalisan taariikhda.

Dhinaca Rudiger, Ancelotti ayaa kulamadii isku diyaarinta xilli ciyaareedka ku sheegay sida uusan u doonayn inuu kala dhantaalo lamaanaha daafaca ee David Alaba iyo Eder Militao oo xilli ciyaareedkii hore si fiican ku dhammaystay.

Sidoo kale Carlo ayaa cadeeyay in Ferland Mendy uu yahay daafaca bidix ee xulashada koowaad ah xilli ay jirtay xan ah in Alaba loo wareejin karo booskaasi oo uu bilawgii waayihiisa ciyaareed kasoo dheelay.

Marka hore Rudi iyo Aurelien ayaa fursad ka heli doona kulamada Copa Del Rey iyo Champions League, sidoo kalena shaxda La Liga soo gali kara haddii ay dhaawacyo yimaadaan amaba xiddigaha ay u fadhiyaan bandhigyo fiican samayn waayaan.

Image

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*