Miyaa Joao Cancelo Uu Helayaa Fursad Uu Kaga Aargoosto Guardiola Kulanka Champions League Ee Man City vs Bayern Munich?

Kaddib isku-aadka wareegga siddeedda iyo semi-finalka Champions League ee maanta la sameeyey oo ay isku beegmeen Bayern Munich iyo Manchester City, waxa soo baxday su’aal ah in Joao Cancelo loo ogolaan doono inuu ka hor tago kooxdiisii hore ee Man City ee uu amaahda kaga tegay bishii January.

Joao Cancelo oo la sheegay inay isku dhaceen tababare Pep Guardiola oo ay xataa gaadheen heer ay ku dhowaadaan inay gacanta iskula tagaan, ayaa waxay jamaahiirta kubadda cagtu isweydiinayaan haddii heshiiskii amaahda ahaa ee uu ku tegay Bayern Munich lagu daray qodob ka mamnuucaya inuu ka hor yimaaddo kooxdiisa rasmiga ah ee City iyo in kale.

Sida ay warbaahinta Ingiriisku sheegtay, Joao Cancelo waxa uu fasax u yahay inuu ka hor tago Manchester City isaga oo xidhan garanka Bayern Munich isla markaana uu halgan la galo Pep Guardiola oo ka hor intii aanu amaahda ku dirin ku ciqaabay kursiga kaydka.

Bayern Munich ayaa haddii ay soo dhaafto Man City waxay semi-finalka wada ciyaari doonaan Real Madrid iyo Chelsea oo iyaguna isku beegmay midkooda soo gudba ka hor inta aan la go’aaminin labada kooxood ee u safraya magaalada Istanbul ee waddanka Turkey marka ay taariikhdu tahay June 10 oo laagu ciyaari doono finalka Champions League.

Man City iyo Bayern Munich marar kala duwan ayay ku kulmeen Champions League laakiin doorkan waxay u muuqataa in xamaasaddu ka badan tahay intii hore, sababtoo ah Bayern Munich waxay haysataa laba ciyaartoy oo ay soo eriday Man City waana Joao Cancelo iyo Leroy Sane.

Sharciga UEFA ee isbeddelka lagu sameeyey sannadkii 2018 ayaa ciyaartoyda u fasaxaya inay ka hor tegi karaan kooxdooda rasmiga ah ee ay amaahda kaga tageen, waana midka uu daliishan doono tababare Julian Nagelsmann ee uu ku ciyaarsiin doono Joao Cancelo, iyadoo City aanay awood u lahayn inay ka joojiso xiddigan inuu ka hor yimaaddo.

Si kastaba, 28 jirkan ayaa cadho u haya Pep Guardiola oo kaydka dhigay dhamaan kulamada bishii January, isaga oo ka doorbiday Nathan Ake iyo da’yarka Rico Lewis, waxaanay taasi keentay inay ku murmaan garoonka tababarka ka hor intii aan Cancelo heshiis amaah ah loogu dirin Munich oo fursad u haysata inay £61 milyan oo Gini si rasmi ah ugu iibsan karto xagaaga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*