Mishiinkii Barcelona Oo Maqnaanaya, Xiddig La Sugayey Oo SADDEX Toddobaad Jiifaya Iyo Xogta Dhaawacyada Barcelona Ka Hor Kulanka Real Madrid

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa heshay war ka nixiyey maalin ka hor ciyaarta adag ee ay Axadda ku martigelin doonaan Real Madrid oo kusoo booqan doonta Camp Nou is-aragga labaad ee horyaalka LaLiga ee xilli ciyaareedkan.

Barcelona ayaa la filayay inay dib u heli doonto ciyaartoydii dhaawaca kaga maqnaa, sida Pedri oo dhawrkii maalmood ee ugu dambeeyey tababarka la samaynayay ciyaartoyda kooxdiisa iyo Ousmane Dembele oo muddo laba bilood ku dhow garoomada ka maqna.

Sida uu xaqiijiyey wariyah ciyaaraha ee Javi Miguel oo ka tirsan wargeyska AS, xiddiga khadka dhexe ee Pedri ayaa laga reebi doonaa liiska ciyaartoyda Barcelona ee El Clasico ee Real Madrid, laakiin waxa uu awoodi doonaa inuu qayb ka noqdo kulamada xiga.

Warkan oo soo baxay waxyar kaddib markii uu wariyaha wargeyska Mundo Deportivo ee Fernando Polo uu sheegay in Pedri uu taam u noqonayo ciyaarta Real Madrid, waxana maqnanshaha Pedri uu dhaawac weyyn ku noqon doona tababare Xavi Hernandez oo kusii darsaday qorshihiisa kulankan.

Pedri oo ay da’diisu tahay 20 jir aya waxa uu Javi Martinez sheegay in ay ciyaartani waqti hore ku tahay, sidoo kalena aan la filayn inuu qayb ka noqdo kulamada xulka qaranka Spain ee toddobaadka dambe loo bixi doono isreeb-reebka Euro 2024 ee ay la ballansan yihiin Norway iyo Scotland.

Dhinaca kale, weeraryahanka reer France ee Ousmane Dembele ayaa la sheegay in uu muddo kale garoomada kasii maqnaan doono oo uu jiifi doono laba illaa saddex toddobaad oo kale.

Dembele oo waqti hore dhamaystay muddadii ay hore Barcelona u sheegtay inuu maqnaanayo ayaa waxa hadda loo sheegay in Ousmane Dembele aanu kaliya maqnaan doonin ciyaarta Axadda balse aanu sidoo kale dheeli doonin lugta labaad ee Copa del Rey ee Real Madrid ay isku haleeli doonaan bisha dambe ee April.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*