Sannadkii 2013 ayay soo bilaabatay sheekada Jorginho iyo Arsenal, iyadoo waqtigaas uu dedaal dheeraad ah ku bixiyey Arsene Wenger sidii uu laacibkan u keeni lahaa Emirates Stadium, kuma se aanu guuleysanin, waxaana ugu dambayntii hadda rumoobaysa riyada waqtigaas burburtay.
Arsenal ayaa waxay maanta heshiis la gaadhay kubbad-sameeyaha xulka qaranka Talyaaniga iyo Chelsea ee Jorginho oo ay kusoo iibsanayso £12 milyan oo Gini, iyadoo uu maanta mari doono tijaabada caafimaadka si heshiiskiisa loogu dhawaaqo ka hor inta aanu xidhmin suuqa iibka ciyaartoydu.
Gunnerrs ayaa markii hore doonaysay khadka dhexe ee Brighton ee Moises Caicedo laakiin dalabyo ay gudbiyeen oo guuleysan waayey ayaa waxay sababtay inay u jeedsadaan Jorginho, inkasta oo aanay wali ka quusanin Caceido.
Marar badan oo hore ayaa Gunners lala xidhiidhiyey Jorginho oo sannadkii 2020 ay xataa la kulmeen wakiilkiisa ka hor intii aanu laacibkani heshiis cusub u saxeexin Blues.
Waxa kasii horreeyey oo isku-daygii koowaad ee Arsenal ee ay kula saxeexanayso Jorginho uu yimid dhamaadka xilli ciyaareedkii 2012/13, waqtigaas oo uu laacibkani u ciyaari jiray kooxda heerka labaad ee Talyaaniga ee Hellas Verona oo uu ka caawiyey inay usoo dallacdo heerka koowaad.
Waqtigaas oo ay da’diisu ahayd 21 jir ayuu Arsene Wenger oo khabiir ku ahaa ugaadhsiga ciyaartoyda da’yarta ah ee kartida badan, waxay indhihiisu qabteen Jorginho, balse nasiib-darro waxa ka hor qaadday Napoli oo uu ku biiray January 2014.
Sannadkii 2015 ayuu mar kale isku dayay Wenger inuu £15 milyan oo Gini kagala soo wareego Napoli balse markanna waa uu ka fashilmay qorshihiisu, iyadoo ugu dambayntii ay Chelsea la saxeexatay sannadkii 2018.
Toban sannadood kaddib, waxa rumowdo riyada midaynaysa Arsenal iyo Jorginho oo maanta noqonaya ciyaartoy ka tirsan Gunners, waxaanu u saxeexayaa heshiis soconaya illaa sannadka 2024 oo uu dheer yahay sannad kale oo dookh ah oo ay Arsenl kusii haysan karto illaa sannadka 2025.
Be the first to comment