Mid Kamida Tababarayaasha Ugu Magaca Weyn Premier League Oo Qarka U Saaran In La Caydhiyo

Waxa halkooda kasii socon doona caydhinta tababarayaasha horyaalka Premier League oo u muuqda xilli ciyaareedkan mid sidii hore ka badan waxaana markan lagu wadaa inuu shaqadiisa waayo macalinka Everton ee Rafael Benitez.

Everton ayaa xilli ciyaareedkan qaabkii ay ka filaysay Rafa ka weyday kaddib markii ay isaga u doorteen macalinka u bedelaya Carlo Ancelotti oo Real Madrid uga wareegay.

Maamulka Toffees ayaa ku adkaystay magacaabista Benitez oo ay taageerayaasha kooxdu aad uga soo horjeedeen maadaama oo uu soo layliyay kooxda ay xifaaltamaan ee Liverpool.

Kulankii ay shalay guuldarrada kala kulmeen kooxda horyaalka ugu hooseysay ee Norwich City oo 2-1 uga adkaatay ayaa ka dhigan inaysan Goodison Park waxba ugu hadhin macalinka ree Spain.

Sida uu sheegay Fabrizio Romano, maamulka Toffees ayaa riixaya go’aanka ah inay caydhiyaan Benitez oo ay mudooyinkii ugu dambeeyay ugu soo samreen natiijooyin badan oo liita.

Dhinaciisa saxafiga wararkiisa lagu kalsoon yahay ee David Ornestien oo ka hawlgala wargeyska The Athletic ayaa sheegaya in go’aanka kama dambaysta ah ee Everton yahay caydhinta Benitez oo saacadaha amaba maalmaha soo socda lagu dhawaaqi doono.

Image

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*