Mbappe, Benzema, Griezmann mise Giroud? Rikoodhkii Gool-dhalinta Thierry Henry Ee Faransiiska Oo Halis Ku Jira

Taariikhdu markii ay ahayd October 14, 2009 ayuu Thierry Henry dhaliyey goolkiisii 51aad, ciyaartii uu Faransiisku ugu soo baxay Koobkii Adduunka ee 2010 lagu qabtay waddanka Koonfur Afrika. Toban sannadood kaddib, goolkii uu maalintaas dhaliyey ee rikoodhka uu ku dhigay Henry ayaa khatar ku jira, waxaana kaabiga u saaran dersin ciyaartooyo ah.

Thierry Henry oo isaguna jabiyey rikoodhkii gool-dhalinta ee Michel Platini ee 41ka gool markii ay taariikhdu ahayd October 2007, waxa hadda loo jiraa saddex gool oo kaliya, waxaana sida ay wax ku socdaan dhaafi doona dersin ciyaartooyo ah.

Kylian Mbappe oo ay da’diisu tahay 23 jir ayaa dhaliyey 26 gool oo xulka qarankiisa ah isaga oo u saftay 54 ciyaarood, waxaana uu doonayaa in uu jabiyo rikoodhka goolasha ee Thierry Henry, isaga oo yidhi: “Mar walba waxa aan doonayaa in aan noqdo ciyaartoyga koowaad.”

Waqti dheer ayay ku qaadan doontaa Mbappe, hase yeeshee waxa kulaalaya oo saddex gool oo kaliya u jira Henry, weeraryahanka AC Milan ee Olivier Giroud oo Salaasadii dhaliyey goolkiisii 48aad ee uu u saxeexo xulka qaranka Faransiiska.

35 jirkan oo kulankiisii ugu horreeyey ee xulka safray sannadkii 2011, ayaa illaa hadda ciyaaray 112 ciyarood, waxaanu 11 kulan ka hooseeyaa tirada ciyaarihii uu Thierry Henry u ciyaaray xulkaas.

Waxa kale oo isaguna ku siqaya inuu gaadho rikoodhka Thierry Henry, weeraryahanka kooxda kubadda cagta Atletico Madrid ee Antoine Griezmann oo 104 ciyaarood u saftay qarankiisa tan iyo sannadkii 2014, waxaanu illaa hadda u dhaliyey 42 gool.

Karim Benzema oo isaguna muddo shan sannadood iyo dheeraad ah xulka ka maqnaa ayaa ah ciyaartoyga shanaad ee qarankaas ugu goolasha badan, waxaanu 34 jirkani saxeexay 36 gool isaga oo saftay 94 ciyaarood. Michel Platini oo afraad ku jira ayuu Benzema ka hooseeyaa shan gool, waxaana la filayaa in uu gaadhi doono inta uu socdo Koobka Adduunka ee dhamaadka sannadkan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*