Tiro ciyaartoyda Liverpool ayaa farriimo sagootin ah u diray Sadio Mane, kaddib markii uu Arbacadii maanta si rasmi ah ugu wareegay Bayern Munich oo uu u saxeexay heshiis saddex sannadood ah, taas oo soo afjartay waayihii saaxiiibtinimo ee ay ciyaartoydani ku wadaagayeen Anfield.
Sadio Mane oo 30 jir ah ayaa xusuuso waaweyn kaga tegay Liverpool oo uu lix sannadood u ciyaaray, isaga oo kula guuleystay Premier League oo ay muddo soddon sannadood ah raadinaysay, Champions League oo ay ugu dambaysay 2005, FA Cup oo ay 2012 ugu dambaysay, UEFA Super Cup, FIFA Club World Cup iyo Carabao Cup/League Cup.
Akhlaaqdiisii wanaagsanayd, guulaha dhinaca koobabka iyo dedaalkiisii aan joogsiga lahayn ayaa iyaguna abuuray niyd-samaan badan oo ay ciyaartoyda kooxdu u hayaan, sidoo kalena ay taageereyaasha naadigiisa hore ay ku xasuusan doonaan.
“Way adag tahay in aan helo kalmadaha ku habboon. Kaliya waxa aan doonayaa in aan idhaahdo waad mahad-san tihiin, mahad-celin gunta qalbigayga kasoo go’day, aad ayaan ugu faraxsanahay wax yar oo kasta oo ka mid ahaa guulaha cajiibka ahaa ee aynu gaadhnay muddadii lixda sannadood ahayd.” Sidaa waxa yidhi Sadio Mane oo farriin u dirayay Liverpool kaddib markii uu heshiiska u saxeexay Bayern Munich.
Waxa uu sii raaciyey: “Mar walba waad i garab taagnaydeen. Xilliyadii wanaagsanaa iyo waqtiyadii adkaaba. Waligay ma illoobi doono tan. Waad mahadsan tihiin mar kale. Waligaa kali ma socon kartid.”
Jordan Henderson oo ka jawaabay qoraalka Sadio Mane, waxaanu yidhi: “Saaxiibkayoow, nasiib wanaagsan ayaan kuu rajaynayaa. Waad ku mahadsan tahay wax walba, waanu ku tabi doonaa.”
Virgil van Dijk ayaa isaguna yidhi: “Wanaag oo dhan ayaan kuu rajaynayaa cutubka cusub ee noloshaada. Waanu ku tabi doonaa walaal. Waxa aad tahay HALYEY weyn oo Liverpool ah.”
Waxa sidaas oo kale iyaguna farriimo ugu diray Kostas Tsimikas iyo difaacii hore ee Liverpool ee Dejan Lovren.
Be the first to comment