Maxay Sameeyeen Taageereyaasha Liverpool Markii Ay Everton Shaqada Ka Caydhisay Rafa Benitez?

Taageereyaasha Liverpool ayaa si degdeg ah uga falceliyey shaqo ka  caydhintii ay Everton ku samaysay tababaraheedii Rafael Benitez oo lix bilood oo kaliya joogay Goodison Park.

Rafael Benitez oo liiska halyeeyada ugu jira Liverpool oo lix sannadood oo uu joogay uu u qaaday saddex koob ayaa waxay Everton kansashay heshiis lix saddex sannadood iyo badh ah oo uu qalinka ku duugay bishii June ee sannadkii hore.

Tababaraha reer Spain oo beddelay Carlo Ancelotti oo hal xilli-ciyaareed oo uu joogay Everton iska casilay xagaagii si uu ugu laabto Real Madrid, ayay Toffess go’aanka caydhintiisa gaadhay markii ay Sabtidii guul-darrada 2-1 ah kala  kulmeen Norwich City, taas oo keentay in Everton ay kaalinta 16aad u degto.

Benitez oo ahaa tababaraha Liverpool lixdii sannadood ee u dhaxaysay 2004 illaa 2010 ayaa waxa uu kula guuleystay Champions League iyo UEFA Super Cup sannadkii 2005, halka uu sannadkii xigayna u qaaday FA Cup.

Waqtigii nasashada ee kulankii Liverpool ay 3-0 ku garaacday Brentford, ayaa mar kaliya  waxa garoonka Anfield qabsaday magaca Rafael Benitez, iyadoo ay taageereyaashu ku qayliyeen “Rafa, Rafael, Rafael Benitez”.

Taageereyaasha Liverpool ayaa waxay sidan u sameeyeen in ay ku garab istaagaan Rafael Benitez, iyagoo dhinaca kalena ku xumayana Everton oo ay jamaahiirteedu hore ugu mudaharaadeen Benitez markii loo magacaabay kooxdaas.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*