Maxay Ahayd Sababtii VAR Looga Soo Hubin Waayey Rikoodhihii Shakigu Ku Jiray Ee Cristiano Ronaldo Ka Dhaliyey Ghana?

Ciyaartoyda xulka qaranka Ghana ayaa aad uga dooday rikoodhihii loo dhigay Cristiano Ronaldo kulankii xulka qaranka Portugal uu 3-2 kaga adkaaday Ghana. Daqiiqaddii 64aad ayaa uu garsooruhu yeedhiyey siidhiga isaga oo tilmaamaya in Ronaldo uu leeyahay rikoodhe.

Salisu oo ay xafiiltameen ayaa dhulka ku riday Cristiano Ronaldo, waxaana rikoodhahan shakigu ku jiray gool u beddelay Ronaldo oo hoggaanka ugu dhiibay xulkiisa, inkasta oo aan laga soo eegin VAR.

Garsooraha dhexe ee ciyaarta hayay oo lagu magacaabo Armando Villarreal oo u dhashay waddanka Maraykanka, ayaan dheg u dhigin doodda ciyaartoyda Ghana, sidoo kalena aan VAR ka dalbanin in ay ay la hubiso go’aankiisa, waxaanu ku adkaystay kaliya in ay rikoodhe tahay.

Dib u daawashooyin ayaa mudnaa in lagu sameeyo qaladka uu Mohamed Salisu ku galay Cristiano Ronaldo, waxaanay ahayd in taabashadooda laga eego dhinacyo badan maadaama aanay aad u caddayn, hase yeeshee Ismail Elfath oo isaguna ahaa garsooraha VAR oo u dhashay Maraykanka, ayaan soo faro-gelinin go’aanka.

Wargeyska ESPN ayaa sheegay, in sababta VAR aanay usoo dhax galin go’aanka ay ahayd in Ronaldo kubadda hor taabtay, sidoo kalena lugta Salisu ay dusha sare kaga dhacday Ronaldo oo ay lugtiisu dhulka gaadhay, sidaas darteedna rikoodhaha lagu siiyey oo uu garsooruhu ku saxsanaa go’aanka.

ESPN waxa kale oo uu sheegay, in haddii aanu garsoore Armando Villarreal siin lahayn rikoodhaha Ronaldo, in gaanu Ismail Elfath soo farogeliyeen oo aanu ku riixeen inuu rikoodhe ku dhigo, sababtoo ah waxa uu ahaa rikoodhe laga baaqsan karayay oo go’aan fudud ahaa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*