Maxaa Soo Kordhay? Mikel Arteta Oo Laga Cabsi-qabo Inuu Iska Casilo Arsenal

Tababaraha Arsenal ee Mikel Arteta ayaa la sheegay inay suurtogal tahay inuu ka tago kooxdiisa dhamaadka xilli ciyaareedkan, inkasta oo uu shaqo fiican qabtay oo ay kaalinta afraad kaga jirto miiska kala-sarraynta iyadoo ay kulamo baaqi u yihiin.

Inkasta oo ay sidii ugu xumayd abid ku bilowdeen xilli ciyaareedka oo saddexdii kulan ee ugu horreeyey laga badiyey, haddana Arsenal ayaa qaybtii dambe ee xilli ciyaareedka isla heshay jiibta iyo jaanta, waxaanay hadda saddex dhibcood  ka horreeyaan Tottenham oo kusoo xigta iyadoo waliba Gunners ay haysato ciyaar baaqi u ah.

Sida uu sheegay halyeygii Manchester United ee Gary Neville, Mikel Arteta ayaa dhamaadka xilli ciyaareedkan go’aan ka gaadhi doona mustaqbalkiisa, waxaana suurtogal ah inuu shandaddiisa ka qaato oo uu ka  dhaqaaqo Emirates Stadium.

Gary Neville waxa uu amaan u jeediyey Mikel Arteta oo uu tilmaamay inuu shaqo cajiib ah ka qabtay kooxda ka dhisan Woqooyiga London, isla markaana uu ku faraxsan yahay inuu yimaaddo kaalinta afraad xilli ciyaareedkan, hase yeeshee uu ka baqayo in uu ka tago kooxdaas.

Telefishanka Sky Sports ayuu la hadlay Gary Neville, waxaanu yidhi: “Anigu run ahaantii waan jecelahay Mikel Arteta, waana tababare cadcad. Kooxdiisuna waa mid fiican oo ciyaartooyo da’doodu yar tahay ay joogaan. Mikel Arteta waa tababare fiican, waxaanse ka walaacsanahay, in Arsenal ay ku dhamaysan karto kaalinta afraad. Wali rajadoodu waa 59/50, jid dheerna wuu hadhsan yahay.”

Intaas kaddib ayuu Gary Neville soo bandhigay cabsida uu ka qabo in Mikel Arteta uu ka tago Arsenal, waxaanu yidhi: “Marka ay joogaan Pep Guardiola, Jurgen Klopp, Manchester United iyo Chelsea, halkee ayay Arsenal ku dhamaysan karaysaa? Lama tartami karayaan.

“Mikel Arteta waa tababare fiican, waanan jecelahay sida uu u shaqaynayo, laakiin waxa laga yaabaa in uu isweydiiyo in uu joogo meeshii ku fiicnayd isaga, waxaana laga yaabaa inuu tallaabo u qaado shaqada xigta oo uu ka tago Arsenal.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*