Maxaa Ka Jira Wararka Sheegaya In Arsenal Lasoo Wareegayso Diego Costa?

Waxa maalmihii ugu dambeeyay soo baxayayw warar sheegaya in kooxda waqooyiga London ee Arsenal ay doonayso saxeexa Diego Costa oo hore ugu soo ciyaaray kooxo badan oo laga sheegi karo Chesea oo ay London ku xifaaltamaan.

Warbixinaha ayaa sheegaya in Arsenal ay kooxda Atletico Mineiro wadahadalo kala yeelatay mustaqbalka Costa, Gunners ayaa xiisaynaya inay weeraryahan cusub la wareegaan gudaha bishan January.

Pierre Emerick Aubameyang ayuu safka kooxda ka saaray tababare Mikel Arteta isaga oo ka xayuubiyay masuuliyadii kabtanimo waxaana lagu wadaa inuu bixi doono.

Alexandre Lacazette ayaa haatan hoggaaminaya weerarka Arsenal balse mustaqbalkiisa ayaa sidoo kale aan caddayn xilli heshiiskiisu dhacayo dhammaadka xilli ciyaareedkan.

January ayaa ah suuq adag oo ay adagtahay in la sameeyo saxeex weyn balse Arsenal ayaa diyaar u ah inay bangiga u jabiso gool dhaliye heer sarre ah.

Dusan Vlahovic ayaa ah bartilmaameedka koowaad ee Gunners, waxa la eegi doonaa haddiiba Fiorentina ay badhtamaha xilli ciyaareedka fasaxayso xiddigeeda ugu muhiimsan.

Sida ay sheegayso shabakada Goal ee dalka Brazil, Arsenal ayaa la tashi aan caadi ahayn la yeelatay kooxda Costa haatan ka tirsan yahay ee Atletico Mineiro.

Arsenal ayaa xidhiidh la samaysay Atletico si ay u weydiiyaan haddiiba la heli karo Costa kaddib markii agaasimaha kooxdaas ee Rodrigo Caetano uu sheegay in Costa bixitaan codsaday markii uu dhammaaday xilli ciyaareedkii horyaalka Brazil.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*