Masuuliyada Cusub Ee Ay PSG Siisay Kylian Mbappe Oo Cadho Ku Abuuraysa Neymar Iyo Messi

Tababaraha kooxda Paris Saint-Germain ee Christophe Galtier ayaa shaaca ka qaaday go’aan aan hore loo ogayn oo uu isagu ku maamuusay da’yarka hoggaanka u ah kooxdiisa ee Kylian Mbappe.

Go’aanka Galtier ayaa ah inuu kabtan ku xigeenka kooxda u magacaabay Mbappe, warkan ayaa ah mid kasii cadhaysiin kara Lionel Messi iyo Neymar oo aan marka horeba xidhiidh wanaagsani kala dhaxayn da’yarkaas.

Si gaar ahaaneed Messi ayaa ah ciyaaryahan khibrad weyn u leh masuuliyada kabtanimo isagoo saddex sano kabtan usoo ahaa Barcelona halka uu mudo intaas ka badan yahay kabtanka xulka Argentina.

Galtier ayaa sheegay inuu isagu gaadhay go’aanka kabtanimada Mbappe iyo inuu ku xigo kabtanka koowaad ee Marquinhos kaddib markii uu da’yarkaasi kooxda heshiis kordhin lama filaan ah u sameeyay xilli ciyaareedkan kahor.

Galtier ayaa yidhi “Aniga ayaa go’aansaday inuu isagu kabtan ku xigeenka noqdo tan iyo bilawgii xilli ciyaareedka, wuu u qalmaa inuu kabtanimada xidho marka uusan Marquinhos joogin sababtoo ah wuxuu go’aansaday inuu joogo”.

“Isagu sanad ayuu 56 gool kusoo dhaliyay, waa mid kamida weeraryahano heer caalami ah, mid kamida kuwa dunida ugu wanaagsan”.

Go’aankii uu Mbappe kusii joogay PSG dhammaadkii xilli ciyaareedkii hore ayaa la aaminsan yahay inuu in badan ahaa cadaadis siyaasadeed oo kaga yimid dalkiisa France iyo Qatar oo ah dalka laga leeyahay Paris martigaliyayna Koobka aduunka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*