Manchester United Oo Noqonaysa Kooxda Ugu Taajirsan Adduunyada & Qasnadda £2 Trillion Ku Jiraan Ee Ay U Dhacayso

Jamaahiirta kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa faraxsan kaddib markii uu soo baxay warka sheegaya in shirkadda Teknoolojiyadda ee Apple ay doonayso inay iibsato, taas oo haddii ay dhacdo ka dhigaysa kooxda ugu taajirsan kubadda cagta adduunka.

Shirkadda Apple ee soo saarta telefoonnada gacanta ee Iphone, computerada iyo qalab kale ee teknoolojiyadeed ayaa waxa la sheegay in ay daraasaynayso suurtogalnimada Manchester United, waxaana jira wada-ahadallo la sheegay in maamulka shirkaddu ka yeeshay iibsiga Red Devils.

Tim Cook oo ah madaxa shirkadda Apple ayaa waxa la sheegay in si shaqsi ah u danaynayo Manchester United oo la rumaysan yahay in qoyska reer Glazer ay ku iibinayaan £5.8 bilyan oo Gini, waxaana haddii ay suurtogasho ay noqon doontaa kooxda kubadda cagta ee ugu qaalisan ee abid la kala iibsaday, iyadoo dhaafi doonta Chelsea oo Roman Abramovich uu kaga iibiyey Tod Boehly iyo maalqabeenno kale lacag gaadhaysa £4.2 bilyan oo Gini.

Shirkadda Apple ee xarunteedu tahay California, ayaa waxa hantideeda lagu qiyaasay £2 tirilyan oo Gini, ayaa haddii ay dhamaystirto iibka Manchester United waxa laga filayaa inay maalgelin badan ku samayn doonto oo ay xiddigo waaweyn kusoo ururin doonto.

Red Devils ayaa sidoo kale noqon doonta kooxda ku fadhida qasnadda ugu weyn, iyaga oo dhaafi doona Newcastle United oo mulkiileyaasheeda qoyska Sucuudigu ay haystaan £326 bilyan oo Gini.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*