Erik ten Hag oo ogsoon in kooxdiisu ay u baahan tahay inay ugu yaraan dhibic ka hesho kulankan iyo ciyaarta xigta ee lagu soo gunaanadayo horyaalka Premier League, si ay ugu soo gudbaan tartanka Champions League ee xilli ciyaareedka dambe, ayaa iska diiday inuu khatar geliyo weeraryahanka reer England ee Marcus Rashford kulanka ay Chelsea ku qaabbilayaan garoonka Old Trafford.
Manchester United oo saddex dhibcood ka horreysa Liverpool oo kusoo xigta, ayaa lix dhibcood oo suurtogal ah uga baahan hal dhibic kaliya oo ka xigta inay xaqiijistaan booskooda Chmpions League.
Tababare Erik ten Hag waxa uu shax adag kala hortegay Blues kulankoodan oo ah mid 37aad ee horyaalka oo hore uga baaqday, waxaana uu difaaca dhexe kusoo celiyey Raphael Varane oo uu ku lammaaneeyey Victor Lindelof oo ay dhinacyada ka xigaan Luke Shaw iyo Aaron Wan-Bissaka.
Casemiro ayaanay cidina ku qabsan karin booskiisa khadka dhexe, waxaana la wadaagaya Bruno Fernandes iyo Christian Eriksen iyadoo weerarkana ay Jadon Sancho, Anthony Martial iyo Antony ka wada ciyaarayaan.
Frank Lampard oo ay kooxdiisa Chelsea ku jirto kaalinta 12aad ee horyaalka Premier League, waxa uu isaguna soo qaddimay Mudryk Mikhailo oo ay u tahay ciyaartiisii u horreysay ee uu kusoo bilowdo muddo bil ah, iyadoo Lampard uu illaa hadda hal guul oo kaliya kooxda usoo hooyey.
Shaxaha rasmiga ah ee labada kooxood
Manchester United XI: De Gea, Lindelof, Varane, Shaw, Wan-Bissaka, Casemiro, Eriksen, Fernandes, Sancho, Antony, Martial.
Kaydka: Butland, Maguire, Rashford, Malacia, Fred, Dalot, Weghorst, McTominay, Garnacho.
Chelsea XI: Kepa, Chalobah, W.Fofana, Hall, Azpilicueta, Gallagher, Enzo, Chukwuemeka, Madueke, Mudryk, Havertz.
Kaydka: Mendy, Silva, Pulisic, Felix, Loftus-Cheek, Ziyech, Koulibaly, D.Fofana, Gilchrist.
Be the first to comment