Manchester United mise Man City? Kalvin Phillips Oo Kala Doortay Kooxaha Deriska Ah Ee Reer Manchester

Xiddiga khadka dhexe ee reer England ee Kalvin Phillips ayaa la filayaa inuu ka tago kooxdiisa Leeds United haddii ay u dhaadhacdo heerka  labaad, waxaana looga gacan haadinayaa magaalada Manchester oo ay labada kooxood ee deriska ahi mid  walba dhinaceeda u doonayso.

Manchester United ayaa muddo dheer lala xidhiidhinayay laacibkan, waxaanu ku jiraa liiska xiddigaha uu tababaraha cusub ee Manchester United doonayo inuu ku xoojiyo safkiisa.

West Ham ayaa sidoo kale dalab £50 milyan oo Gini ah ka gudbisay Kalvin Phillips bishii January, waxaana ka diidday Leeds United oo albaabada ka xidhatay kooxaha danaynayay 26 jirkan. Phillips oo ay sidoo kale doonaysay Aston Villa ka hor intii aanay u dhaqaaqin Philippe Coutinho ayaa iyadana loo diiday.

Xiddigan oo lagu naanayso Andrea Pirlo-ha cusub, ayaa ugu dambayn loollankiisa ay iskugu soo hadheen Manchester City iyo Manchester United oo uu isaguna  kala doortay, waxaana uu ka  nixiyey Red Devils oo uu u sheegay in uu u baahan yahay in uu koobab ku guuleysto.

Man City oo uu ka  tegayo Fernandinho ayaa u aragtay laacibkan inuu yahay beddelka ugu habboon, iyadoo sidoo kalena ay suurtogal tahay in xagaagan uu ka baxo Ilkay Gundogan oo labadaba uu boosaskooda si fiican uga ciyaari karayo Kalvin Phillips.

Sida uu sheegay wargeyska Daily Mirror, xiddiga reer England ayaa doonaya inuu tago Etihad Stadium oo uu u arko inay taallo fursad uu koobab ugu guuleysan karayo marka loo eego Manchester United oo shantii sannadood ee ugu dambeeyey aan wax koob ah ku guuleysan, taas oo ka farxinaysa Pep Guardiola.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*