Kooxaha Manchester United iyo Liverpool ayaa helay war fiican oo ay ku diirsadeen oo uga soo yeedhay xiddigii ay raadinayeen ee Mason Mount oo go’aansaday inuu iskaga tago Chelsea dhamaadka xilli ciyaareedkan, inkasta oo qandaraaskiisa uu sannad kale uga hadhsan yahay.
24 jirka reer England ayaa waxa heshiiska uu kula jiro Chelsea uu dhacayaa June 2024, waxaana uu ku cadaadinayaa inay iibiyaan marka uu furmo suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaagan.
Mount ayaa la fahamsan yahay inay Chelsea isku maandhaafsan yihiin mushaharka iyo qandaraaska cusub ee loosoo bandhigay iyadoo uu waqtigan mushaharkiisa toddobaadlaha ah uu yahay £80,000 Gini.
Laacibkana aya ala sheegay in uu wakiil cusub ka dhigtay Neil Fewings si uu dabada uga riixo inuu helo koox kale oo uu uga wareego Chelsea oo uu doonayo inuu iskaga tago.
Sida uu xaqiijiyey wariyaha ciyaaraha ee Fabrizio Romano, Mason Mount ayaa uu go’aankiisu yahay inuu ka tago Chelsea oo uu ku riixayo inay iibiyaan marka uu furmo suuqa xagaaga foodda inagu soo haya.
Chelsea ayaa la rumaysan yahay in ay dalban doonto £50 milyan oo Gini oo ay ku xidhi doonto kooxaha xiisaynaya laacibkan oo ay ugu horreeyaan Manchester United iyo Liverpool oo si aad ah loola xidhiidhinayo.
Be the first to comment