“Man United Afarta Sarre Way Seegi Doontaa Haddii….” – Gary Neville Oo Sheegay Shuruuda Ku Xidhan Hammiga Kaalmaha Sarre Ee Kooxdiisii

Halyeeyga kooxda Manchester United ee Gary Nevilla ayaa aragtidiisa ka dhiibtay rajada xilli ciyaareedkan ee kooxdiisii hore isaga oo shuruud ku xidhay inay booska afraad soo galaan.

Man United ayaa loo arkayay kooxda ugu baahida badan lixda kooxood ee waaweyn ee Premier League bilawgii suuqa balse ilaa haatan waa kooxda ugu xun dhinaca shaqaalaysiinta iyo saxeexyada boosaska baahida loo qabo.

Gary oo ka hadlayay kahor kulankii furitaanka Premier League ee ay Arsenal xalay la ciyaartay Crystal Palace ayaa sheegay in Red Devils ay booska afraad soo gali karaan kaliya haddii ay Frankie De Jong oo Barcelona ka tirsan iyo weeraryahan lasoo wareegaan.

“Uma malaynayo in United oo safkeeda haatan wadataa ay booska afraad ku dhammaysan doonto balse haddii ay keenaan De Jong iyo weeraryahan waa sheeko sidan ka duwan” ayuu yidhi Neville.

Man United ayaa ilaa haatan suuqan kala wareegtay saddexda xiddig ee kala ah Lisandro Martinez oo daafac dhexe ah, Tyrell Malacia oo daafac bidix ah iyo Christian Eriksen.

Manchester ayaa dhibane u ah sheekeeyinka daba-dheeraaday ee ugu waaweyn suuqa waana Frankie De Jong oo ay mudo saddex bilood ah saxeexiisa daba socdaan iyo Cristiano Ronaldo oo ku cadaadinaya inuu kooxda ka tagayo.

Erik Ten Hag oo ka hadlayay shirka jaraa’id ee ka horreeya kulankiisa ugu horreeya ee Premier League ayaa yidhi “Anigu ma garanayo waxa dhici doona Axada, waan ka helay waxaan arkay kulamadii diyaargarawga balse Brighton oo Old Trafford ah waa kulan adag”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*