Magacyada TODDOBA Ciyaartoy Oo Lama Taabtaan U Ah Manchester United Oo La Shaaciyey

Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa loo sheegay magacyada toddoba ciyaartoy oo aanu sinaba u tuuri karayn ama kaydka u gelin karayn, kuwaas oo uu ugu horreeyo xiddiga khadka dhexe ee reer Portugal ee Bruno Fernandes, kaas oo taageereyaasha kooxdiisu ay magaciisa ku heesayeen ciyartii ugu dambaysay.

Fernandes oo lagu canaantay bandhiggiisii liitay ee kulankii ay Liverpool 7-0 ku xasuuqday, ayaa si degdeg ah u helay qaab ciyareedkiisii fiicnaa isaga oo aamusiiyey dadkii dhalliilayay.

Ciyaartii Real Betis ayaa inkasta oo uu Hrry Maguire xidhna kabtanimada, waxay haddana taageereyaashu dalbanayeen in Bruno Fernandes loosoo celiyo kabtanimadiisa.

Waxa kale oo Erik ten Hag ay jamaahiirta kooxdiisu u sheegeen in uu ku dhegsanado Raphael Varane, Luke Shaw iyo Lisandro Martinez oo difaaca ah oo ay si joogto ah ugu soo bilowdaan. Waxa loo raaciyey Marcus Rashford iyo Casemiro.

Lix ciyaartoy oo gudaha ka dheela oo ah Varane, Martinez, Shaw, Casemiro, Fernandes iyo Rashford ayaa waxa loo raaciyey goolhaye David de Gea oo isaguna ka mid noqday liiska xiddigaha lama taabtaanka ah.

Difaaca midig ee ay isku eryanayaan Aaron Wan-Bissaka iyo Diogo Dalot ayaan ku jirin meelaha lama-taabtaanka looga dhigay tababaraha reer Netherlands halka ay furan yihiin boosaska weerarka dhexe iyo garabka midig oo ciyaartoyda ka dheesha ay taageereyaashu go’aankooda u daayeen Erik ten Hag.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*