Magacyada TODDOBA Ciyaartoy Oo Barcelona Ay Suuqa Soo Dhigtay Oo La Shaaciyey

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa suuqa dhigtay oo iibinaysa toddoba ka mid ah ciyaartoydeeda si aanay u jabinin sharciga dhaqaale wanaagga ee FFP, waxaana ciyaartoyda la xaraashayo ku jira Pierre-Emerick Aubamyeng oo bishii January si xor ah ugaga soo wareegay Arsenal.

Wargyeska Mundo Deportivo ayaa qoray, in Barcelona ay meel kaga dhacayso sharciga dhaqaale wanaagga ee isku dheellitiraya dhakhliga iyo kharashka, inkasta oo ay ku guuleysatay in loo diiwaangeliyo ciyaartoydii cusbaa ee xagaagan ay lasoo wareegtay.

Barcelona oo dhowaan iibisay 24.5% istuudiyeyaasheeda oo ay ka samaysay €100 milyan oo Euro oo sabab u noqday in LaLiga uu u diiwaangeliyo lix ka mid ah toddoba ciyaartoy oo ay xagaagan la saxeexatay oo ay ku jiraan Ousmane Dembele iyo Sergi Roberto oo iyaguna liiska ciyaartoyda cusub soo galay maadaama iyadoo qandaraaskoodu dhacay ay heshiiska cusub ogolaadeen.

Joan Laporta ayaa la rumaysan yahay in uu ka shaqayn doono in in Jules Kounde isagana la diiwaangeliyo ka a hor Sabtida si uu u ciyaari karo kulanka horyaalka LaLiga ee Real Sociedad ee Sabtida, hase yeeshee waxay u baahan yihiin inay ka hor iibiyaan qaar ka mid ah ciyaartoydooda lacagta badan goynaysa.

Wargeysku waxa uu intaa ku daray, in Barcelona ay suuqa dhigtay toddoba ciyaartoy si ay uga badbaaddo in lagu ciqaabo jabinta FFP, waxaana xiddigaha ay iibinayso ay kala yihiin Pierre-Emerick Aubameyang, Frenkie de Jong, Samuel Umtiti, Sergino Dest, Memphis Depay, Martin Braithwaite, iyo Ez Abde.

Aubameyang iyo Frenkie de Jong ayay xiisayanayaan labada kooxood ee Manchester United iyo Chelsea, has eyeeshee Sergino Dest ayaa isaguna kusoo baxay liiska ciyaartoyda lala xidhiidhinayo Manchester United, halka Memphis Depay la sheegayo inay danaynayso Juventus.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*