Antonio Rudiger ayaa waxa hor timid fursad degdeg ah oo aanu hore usii filaynin, taas oo ah in kooxda uu ku cusub yahay ee Real Madrid ay ku dhacday kooxdiisii hore ee Chelsea wareegga semi-finalka Champions League, taas oo ka dhigan inuu ku laaban doono Stamford Bridge oo aanu sannad kasii wada maqnayn.
Difaaca reer Germany oo Chelsea kula guuleystay Champions League sannadkii 2021, ayaa waxa uu qayb ka noqonayaa xiddigaha u dagaallamaya sidii ay u difaacan lahaayeen tartanka ugu qiimaha badan naadiyada ee Champions League, iyadoo Real Madrid ay sannadkii hore finalkii ku garaacday Liverpool.
Real Madrid oo u dagallamaysa inay markeedii 15aad ku guuleysato tartanka Champions League ayaa haddii ay soo dhaafto Chelsea oo sannadkii horena ay marxaladdan oo kale ku kulmeen ayaa waxay waajihi doontaa Man City ama Bayern Munich midkooda soo baxa oo ay semi-finalka isku haleeli doonan.
“Waxay noqon doontaa arrin cajiib ah. Anigu ma sugi karayo in aanu mar labaad kulano saaxiibbadayda tirada badan ee Chelsea.” Ayuu ku yidhi qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.
Kaliya Antonio Rudiger kama hor tegayo kooxdiisii hore ee Chelsea, laakiin waxay isku xaalad ku jiraan Thibaut Courtois iyo Eden Hazard oo iyagana ay Real Madrid kala soo wareegtay Chelsea, halka Blues uu joogo Mateo Kovacic oo Real Madrid ka tegay.
Be the first to comment