“Ma Jiro Cid Cadaadis Ku Haysa…” – Borussia Dortmund Oo U Jawaabay Erling Haaland Xilli Xaaladda Laacibkani Waji Kale Yeelatay

Kooxda kubadda cagta Borussia Dortmund ayaa ka jawaabtay hadal kasoo yeedhay xiddigeeda afka hore ee Erling Halanad oo dhowaan sheegay in kooxdiisu ay ku hayso cadaadis ay kaga doonayaan inuu go’aan ka gaadho mustaqbalkiisa.

Weeraryahanka reer Norway ayaa kaddib guushii 5-1 ahayd ee Jimcihii ay ka gaadheen Freiburg waxa uu warbaahinta u sheegay inuu jiro cadaadis kaga imanaya kooxdiisa.

Haaland waxa uu intaa ku daray inuu go’aan ka gaadhi doono mustaqbalkiisa maadaama ay kooxdu ku riixayso inuu sidaa sameeyo.

Sebastian Kehl oo ah agaasimaha waaxda ciyaartoyda ee Borussia Dortmund ayaa ka jawaabay hadalkaas, waxaanu tilmaamay in haba-yaraatee aanay waxba ka jirin.

“Ma jiraan wax cusub, mana jiraan wada-hadallo cusub. Waan la yaabay hadalka iyo ereyada Haaland.

“Waan la hadli doonaa, waxaanan weydiin doonaa sababta uu u bixiyey waraysiga noocaas ah sababta uu u bixiyey waraysigan iyadoo ay kooxdu ku badisay 5-1.

“Ma jiro wax cadaadis ah oo aanu ku hayno isaga.”

Khilaafkan cusub ee soo shaac-baxay ayaa waxa uu soo dedejinayaa in gool-dhaliyahani uu iskaga tago Borussia Dortmund, iyadoo qandaraaskiisana lagu burburin karayo 75 milyan oo Euro.

Kooxaha Manchester City, Barcelona,Real Madrid iyo PSG ayaa lala xidhiidhinayaa inuu midkood ka degi doono marka uu dhamaado xilli ciyaareedkan socda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*