Ma I Daawanaysaan Liverpool!!! Sadio Mane Oo Galay Tababar Uu Dharka U Dhigtay

Xiddiga reer Senegal ee Sadio Mane ayaa si adag iskugu diyaarinaya kooxdiisa cusub ee Bayern Munich ee uu sida rasmiga ah ugu wareegay xagaagan, waxaana uu galay tababar uu dharka u dhigtay, toddobaad kaddib markii uu ka tegay Liverpool ee uu u wareegay kooxda reer Germany.

Sadio Mane ayaa si toos ah u bilaabay tababarka ka hor inta aanay ciyaartoyda kooxdiisa cusub ee Bayern Munich kusoo laabanin tababarka, waxaana isaga oo ku sugan waddanka Spain uu ugu sii diyaar-garoobayaa xilli ciyaareedka cusub.

30 jirkan ayaa lagu arkay isaga oo tababar ku qaadanaya garoon ku yaalla magaalo xeebeedka Palma de Mallorca ee waddanka Spain, halkaas oo sawirro lagaga qaaday isaga oo garanka la baxay oo tababarka qaadanaya.

Laacibkan oo soo afjaray lix sannadood oo uu u ciyaaray Liverpool ayaa waxa £35 milyan oo Gini ku iibsatay Bayern Munich oo uu u saxeexay heshiis shan sannadood.

Maadaama ay kulayl tahay magaalada Palma de Mallorca oo ay ku taallo xeeb, Mane ma joojin tababarka waxaanu si kalidii ah ugu samaynayay garoon ku yaalla magaalada, isaga oo samaynayay kubbad uu ku toogano goolka, orod iyo jimcisyo kala duwan.

Sadio Mane ayaa kooxdiisa Bayern Munich waxa uu ula safri doonaa waddanka  Maraykanka oo ay horraanta bisha July u duuli doonaan, iyaga oo laba kulan oo saaxiibtinimo kusoo ciyaari doona.

Kooxda koowaad ee ay la ciyaarayaan ayaa ah DC United oo ay la  ballansan yihiin July 21, saddex maalmood kaddibna waxay garoonka Lambeau Field foodda isku dari doonaan Manchester City.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*