“Ma Garanayo Sababta Aan Abaalmarinta Ku Helay, Malaha Waa….” – De Bruyne Oo Jamaahiirta Ku Raacay Inuu Liitay Xalay

Khadka dhexe ee xulka Belgium ee Kevin De Bruyne ayaa aragti cajiib ah ka dhiibtay in la guddoonsiiyay abaalmarinta xiddigii ugu fiicnaa kulankii ay xalay guusha 1-0 ah ka gaadheen Canada.

Xulka Canada ayaa ahaa guud ahaan midka fiican kulanka xilli Alphonso Davies laga badbaadiyay rigoore uu xilli hore hoggaanka ugu dhiibi lahaa dalkiisa.

Canada oo noocyo badan oo dhibaato ah ku abuurtay xulka xiddigaha da’da ah u badan ee Belgium ayaa sidoo kale ku doodaysay inay xaq u lahayd ilaa laba rigoore oo kale.

Kevin De Bruyne ayaan ahayn midka ugu cad cad ee kulankaas iyadoo ay muuqatay inuu dhawr baas oo sahlan xataa qalday isla markaana abuuri kari waayay fursado cad.

Xiddigaha ugu mudnaa abaalmarinta xiddiga kulanka ayaa lagu sifayn karaa Mitchy Batshuayi oo goolka kaliya ee lagu kala baxay dhaliyay ama goolhaye Thibaut Courtois oo rigoore ka badbaadiyay Canada.

De Bruyne qudhiisa ayaa kulanka kaddib si cadaan ah u sheegay inuu filayo inuu magaciisa weyn dartii ku helay abaalmarinta.

“Koox ahaan in nagu filan si fiican umaanu ciyaarin. Ma garanayl sababta aan ugu guuleystay xiddiga kulanka sababtoo ah malaha magacayga” ayuu yidhi Kevin.

Image

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*