Ma Durba? Erik Ten Hag Oo Beddelay Sharciyadii Uu Manchester United U Dejiyey Sir Alex Ferguson

Tababaraha cusub ee Manchester United ee Erik ten Hag ayaa durba beddelay sharciyadii uu kooxdaas u dhigay Sir Alex Ferguson, kuwaas oo lagu soo dhaqmayay muddo ka badan 35 sannadood.

Erik ten Hag oo Isniintii tababarka u bilaabay ciyaartoydiisa ayaa soo kordhiyey sharciyo cusub oo lagu dhaqmayo, kuwaas oo burinaya qawaaniintii uu naadiga u dejiyey Ferguson, isla markaana tababareyaashii ka dambeeyey ee David Moyes, Louis van Gaal, Jose Mourinho, Ole Gunnar Solskjaer iyo Ralf Rangnick aanu midkoodna ka baydhin oo sidooda u fuliyey.

Isniintii ayay ciyaartoyda Manchester United yimaaddeen garoonka tababarka laba waqti oo ahaa 9.30am iyo 11.30, waxaana uu kuwoodii habsaamay kusii hayay garoonka tababarka illaa 4tii galabnimo ee shalay, hase yeeshee maanta ayay wax  walba ka duwanaayeen sidii shalay.

Erik ten Hag ayaa ciyaartoyda kooxdiisa waxa uu amar ku siiyey in ay garoonka tababarka diyaar ku ahaadaan 9ka subaxnimo ee maalin walba, waana waqti aanay hore ciyaartoyda kooxdu u iman jirin tababarka, isla markaana khilaafsan sharcigii Sir Alex Ferguson ee ahaa in tababarka la yimaaddo 10ka subaxnimo.

Wargeyska Manchester Evening News ayaa kasoo xigtay ilo Man United ah, in Ten Hag uu ku yidhi ciyaartoydiisa: “Dhamaantiin waa in aad timaaddaan 9am.”, waxaanay taasi ka dhigan tahay in ay saacad kasoo horreynayaan waqtigii uu dhigay Ferguson.

Ten Hag ayaa isagu iska soo xaadiriyey garoonka tababarka abaaro 8dii subaxnimo, laakiin Steve McClaren oo ahaa ku-xigeenkii Sir Alex Ferguson ee 1999kii illaa 2001 ayaa kasoo horreeyey oo isaguna yimid 7.45 subaxnimo.

Waqtigii tababare Ole Gunnar Solskjaer ayay ciyaartoydu tababarka iman jireen 10ka subaxnimo, waxaana lagu xaman jiray in uu ahaa tababare dabacsan oo aan ku adkayn ciyaartoyda iyo tababarka intaba.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*