Ma Doonayno!! Real Madrid Oo Albaabada Ka Xidhatay Mohamed Salah

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa meesha ka saartay, in wax hunguri ah uu kaga jiro amaba ay la saxeexanayaan xiddiga reer Masar ee Mohamed Salah oo la sheegayo in uu doonayo inuu iskaga tago Liverpool xagaagan, kaddib markii ay kooxdu u fulin weyday shuruuddiisii ahayd in laga dhigo ciyaartoyga ugu mushaharka badan horyaalka Premier League.

Qandaraaska Mohamed Salah ee Anfield ayuu sannad kali ahi ka  hadhsan yahay, walina labada dhinac uma muuqdaan kuwo gaadhaya heshiis uu laacibkani waqtigiisa ugu sii dheereeyo, taasina waxay ku keenaysaa Liverpool inay ka fikirto inay iibiso xiddgeedan.

Toddobaadkan ayay warbaahinta Ingiriisku sheegay, in Liverpool ay 60 milyan oo Gini ku iibinayso Mohamed Salah si ay uga hor tagto in uu laacibkani si xor ah uga tago sannad kaddib, waxaana magacyada kooxaha lala xidhiidhiyey ugu horreysay Real Madrid.

Sida uu qoray wargeyska Defensa Central ee kasoo baxa waddanka Spain, Real Madrid ayaa albaabada ka xidhanaysa laacibkan, waxaanay si cad u sheegtay in aanay doonayn Mohamed Salah oo ay dadka qaarkii u arkayeen inuu yahay beddelka Kylian Mbappe oo Los Blancos ay ku guul-darraysatay inay la saxeexato xagaagan.

Liverpool oo sidoo kale la sheegay inay doonayso garabka weerarka Real Madrid ee Marco Asensio oo isagana sannad ka hadhsan yahay qandaraaskiisa ayaa la sheegayay in uu fududayn karo qiimaha Liverpool ku xidhay iibka Salah oo ay labada kooxood u kala gudbi karaan labadan ciyaartoy.

Hase yeeshee Real Madrid ayaan doonayn Mohamed Salah oo ka hor finalkii Champions League dhawr jeer ku weeraray baraha bulshada, isaga oo ugu cadhaysnaa finalkii 2018 ee uu Sergio Ramos garabka kaga jabiyey.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*