Difaaca Barcelona ee Ronald Araujo ayaa waraysi uu siiyey telefishanka Movistar+ waxa uu ku sheegay weeraryahankii ugu adkaa ee uu ku dhibaatooday joojintiisa ee uu ka hor tegay intii uu ciyaaraha kubadda cagta ku jiray, waxaana uu garab maray Vinicius Junior oo kulamadii ugu dambeeyey ay ku xafiiltameen.
Ronald Araujo oo isku diyaarinaya ciyaarta habeen dambe ay ku qaabbilayana Real Madrid oo haddii ay kooxdiisu guuleysato ay 12 dhibcood ku qaban doonto hoggaanka horyaalka ayaa waxa uu sheegay, in weeraryahanka Real Madrid ee Karim Benzema uu ahaa ciyaartoyga uu u maare waayey ee uu joojintiisa ku dhibaatooday.
Araujo oo kasoo laabanaya ganaax uu ku maqnaa hal ciyaar kaddib casaan la siiyey ayaa waxa la weydiiyey ciyaartoygii ugu adkaa ee uu qaban-kari waayey, waxaanu ku jawaabay: “Waxa uu ahaa Karim Benzema.”
Waxa kale oo la weydiiyey haddii Barcelona ay dhinaca sii qabsan doonto horyaalka LaLiga oo ay waqti horeba qaadi doonto haddii ay Real Madrid ka badiyaan habeen dambe, waxaanu yidhi: “Waxba noogama tarayso in aanu ku guuleysano, sababtoo ah wali ciyaaro ayaa hadhsan, balse waa muhiim in aanu guuleysano ciyaartan.”
Waxa kale oo Araujo la weydiiyey haddii uu ka ciyaari doono difaaca midig kulanka El Clasico si uu mar kale u joojiyo khatarta Vinicius Junior, waxanu ku jawaabay: “Waxay ila tahay in aan ka ciyaari doono difaaca dhexe kulanka El Clasico, lakiin ma garanayo waxa uu tababaruhu go’aamin doono.”
Be the first to comment