Lukaku Oo Daqiiqado Gudahood Kaga Cadhaysiiyey Taageereyaasha Chelsea Kaddib Markii Uu Gaadhay Talyaaniga

Weeraryahanka reer Belgium ee Romelu Lukaku ayaa mar kale ixtiraam darro u muujiyey taageereyaasha kooxdiisa Chelsea kuwaas oo uu markii labaad ka cadhaysiinayo bilo kooban gudahood.

Lukaku oo saaka subaxnimadii hore ka degay magaalada Milan ee waddanka Talyaaniga oo uu tijaabada caafimaadka ugu marayo Inter Milan oo uu sannad amaah ah ugu laabtay sannad kaddib markii ay kooxdaasi lacag ka badan £97 milyan oo Gini ku iibisay, waxaana la filayaa in isla maanta lagu dhawaaqo heshiiskiisa.

Xiddigan oo dhawr bilood ka  hor bixiyey waraysi ka cadhaysiiyey jamaahiirta Chelsea iyo tababare Thomas Tuchel oo uu kusoo bandhigay sida aanu marnaba ugu faraxsanayn in uu sii joogo magaalada London iyo Stamford Bridge oo uu doonayo inuu dib ugu laabto San Siro Stadium, ayaa waxa uu isla markii uu gaadhay Milan saaka uu lasoo baxay dharka kooxda aanu wali heshiiskeeda saxeexin, taas oo lagu tilmaamay in uu taageereyaasha Chelsea kaga cadhaysiinayo, isaga oo u muujinaya in aanu agtooda farxad ku haysanin balse uu la dhacsan yahay kuwa Inter Milan oo uu ka farxinayo.

Inkasta oo heshiiska uu Lukaku ku tegay Inter Milan oo ah amaah sannad ah oo ay bixinayaan £6.9 milyan oo Gini iyo mushaharkiisa oo uu si aad ah hoos ugu dhigay, haddana waxa ficilka uu sameeyey uu u muuqdaa in aanu wax rajo ah ka  qabin inuu dib ugu laabto Stamfrod Bridge.

Salaasadii shalay ayuu agaasimaha Inter Milan ee Giuseppe Moratta uu xaqiijiyey in ay heshiis la gaadheen Lukaku oo uu dib ugu soo laabanayo sannad amaah ah, taas oo uu ku sheegay guul weyn oo aya kooxdiisu gaadhay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*