Luis Enrique Oo Loo Magacaabayo Koox Weyn, Mana Aha Tottenham & Napoli

Tababarihii hore ee xulka qaranka Spain iyo Barcelona ee Luis Enrique ayaa kusoo laabanaya shaqada laylinta kooxaha, waxaana uu la wareegi doonaa koox weyn oo reer Yurub ah oo la sheegay in ay u dhowdahay in ay heshiis la gaadho maalmaha soo socda.

Luis Enrique oo bishii December iska casilay xulka Spain oo uu soo maamulayay muddo afar sannadood ah, ayaa la waxa uu bilihii ugu dambeeyey xuddun u ahaa hadal-hayn, waxaana mar la sheegay in uu tegay magaalada London oo uu la wareegayo Chelsea, halka waqti dambena lala xidhiidhiyey Tottenham iyo Napoli.

Laakiin sida ay warbaahinta Faransiisku sheegayso, Luis Enrique ayaa loo magacaabayaa tababaraha cusub ee kooxda kubadda cagta PSG oo uu ka beddelayo Christophe Galtier oo la eryayo marka uu dhamaado xilli ciyaareedkan socda.

Nasser Al-Khelaifi ayaa la sheegay in uu ku amray Luis Camps oo ah lataliyihiisa ciyaaraha iyo agaasimaha ciyaaraha ee PSG, in uu kooxda keeno Luis Enruqie oo ay u arkaan in uu yahay shaqsiga ugu habboon ee dib u dhisi kara kooxdaas oo hadda ay ciyaartoydii waaweynaa ka tegayaan, sida Lionel Messi, Kylian Mbappe oo la sheegay inuu diiday inuu dhaqan-geliyo sannadkii saddexaad ee dookha ahaa ee ku jiray qandaraaskiisa iyo Neymar Jr oo lala xidhiidhinayo horyaalka Premier League.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*