Liverpool Oo La Wareegtay Hoggaanka Horyaalka Premier League Kaddib Guul Cidhiidh Ah Oo Ay Ka Gaadhay Newcastle

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa la wareegtay hoggaanka horyaalka Premier League kaddib guul cidhiidhi ah oo ay ka gaadhay Newcastle United oo ay ku booqdeen garoonkooda.

Gool madi ah oo uu Naby Keita u dhaliyey qaybtii hore ayaa Liverpool ugu filnaaday saddex dhibcood oo muhiim ah oo ay si ku-meelgaadh ah ugula wareegeen hoggaanka horyaalka Premier League, iyadoo kulanakn uu tababare Jurgen Klopp sameeyey isbedello badan oo uu nasiyey xiddigo muhiim ah.

Daqiiqaddii 19aad ayay Liverpool xaqiijisatay guushan ay kula wareegeen hoggaanka horyaalka, markaas oo uu Naby Keita u dhaliyey gool qurux badan.

Kubbad qalad u muuqanaysay oo uu James  Milner khadka dhexe ka xoogsaday ayuu u dhiibay Jordan Henderson oo isaguna usii dhiibay Naby Keita oo dhinaca midig taagnaa, waxaana uu kubbad sameeyaha reer Guinea uu lasoo galay xerada ganaaxa isaga oo u dhiibay Diogo Jota oo isaguna usii dhaafiyey difaacyahannada. Keita ayaa kubadda u jaray goolhayha, isla markaana kubadda weydaariyey laba ciyaartoy oo goolka sii buuxiyey.

Liverpool oo inta badan kubadda maamulaysay ayaa qaybtii hore iska khasaarisay fursado badan oo ay goolal ku dhalin karayeen, waxaana goolka kubadda la seegay Sadio Mane, Diogo Jota iyo Sidoo kale Naby Keita oo kubbad gantaal ah goolka hormariyey.

Ka hor intii an loo bixin waqtiga nasashada ayay Newcastle dhalisay gool uu Almiron weydaariyey goolhaye Alisson, laakiin lagu qaaday offside uu sii galay ka  hor intii aanu baas cajiib ah ka helin Guimaraes.

qaybtii labaad ayay Newcastle United si adag u dagaallantay, waxaanay samaysay fursado ay goolal ku dhalin karaysay, hase yeeshee Liverpool ayaa mar walba ahayd kooxda khatarta ah ee fursadaha badan helaysay.

Daqiiqaddii 63aad ayaa Sadio Mane waxa goolka hortiisa uu ka helay kubbad uu dhinaca midig uga soo dhiibay Joe Gomez oo u dhigay meel aanu wax cidhiidhi ahi ka jirin, waxaase uu laacibka reer Senegal oo ku qabtay goolku uu dhinaca midig ka mariyey birta. Allah maxay fursad ahayd.

Mohamed Salah oo beddel ku yimid ayaa uu waxyar markii uu garoonka ku jiray, waxa uu xerada ganaaxa ka helay kubbad uga timid Keita, taas oo uu ku toogtay goolka, isla markaana uu gacanta u geliyey Dubravka.

Andy Robertson ayaa ka cadhaysiiyey tababare Jurgen  Klopp kaddib markii uu goolhaye Dubravka oo kasoo baxsanaa goolkiisa isla markaana kubadda ka tuuray Jota. Robertson ayay ahayd inuu kubadda u dhiibo saaxiibbadii oo goolka oo madhan ku toogan karayey, taas beddelkeedana waxa uu doortay inuu isagu goolka toogto, waxaanu si toos ah kubadda ugu dhiibay Dubravka oo meel bannaan jooga oo uu ku beegay.

Luis Diaz oo shaqo badan ka qabtay garabka bidix ayaa waxa kubbad uu soo weydaariyey difaacyahannada iyo xataa goolhayaha ay Mohamed Salah ugu timid goolka hortiisa, waxaase ka hor laaday difaaca oo badbaadiyey kubaddaas.

Liverpool ayay guushu ku raacday 1-0, waxaanay sidaas kula wareegtay hoggaanka horyaalka Premier League oo ay si ku-meelgaadh ah u haynayso illaa inta ay Manchester City guuleysanayso, iyadoo tababare Pep Guardiola ay kooxdiisu fiidka la dheelayso Leeds United, haddii ay badiyaana dib ayay ugu soo noqonayaan, haddii laga badiyo amaba ay barbarro galaanna sidaas ayay ku macasalaameeyeen hoggaankii ay muddada dheer soo hayeen.

Liverpool waxay hoggaanka horyaalka Premier League ku haysaa 82 dhibcood, halka Manchester City oo labaad u dhacday ay haysato 80 dhibcood.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*