Liverpool Oo Anfield Dhax Jiid-jiidday Halyeeyada Manchester United – Berbatov Iyo Gonzalez Oo Goolal Iskugu Jawaabay

Kulan ka dhacay garoonka Anfield oo ay iskaga hor yimaaddeen halyeeyada kooxaha Liverpool iyo Manchester United ayaa waxa guul 2-1 ah ku gaadhay Liverpool oo waqti dambe uu libinta gacanta u geliyey Sinama-Pongolle oo kala saaray labada kooxood oo waqti hore min hal gool iska dhaliyey.

Liverpool oo kulankii hore ee halyeeyada ee Old Trafford ee bishii May soo guuleysatay ayaa mar labaad ka adkaatay ruug-caddaayada United oo ay hormood u ahaayeen Roy Keane, Berbatov iyo Jaap Stamp.

Daqiiqaddii tobnaad ee bilowga ciyaara ayay halyeeyada Manchester United gool la hormareen, waxaana hoggaanka u dhiibay Berbatov oo kubbad uu soo qalloociyey shabaqa kaga hubsaday halka qalloocan ee birtu iskaga taallo, iyadoo goolhaye Dudek uu awoodi waayey in uu gaadho.

Goolkan ayaa ahaa midka kaliya ee qaybta hore ka dhashay kulanka, hase yeeshee markii lagu soo noqday qaybta labaad ayay halyeeyada Liverpool bandhig fiican muujiyeen, waxaanay la yimaaddeen laba gool oo midka hore uu saxeexay Mark Gonzalez oo goolka babarraha dhaliyey. Laacibkan ayaa waxa uu ahaa midka labada gool ka dhaliyey kulankii hore ee Old Trafford ee bishii May.

Iyadoo ciyaartu dhamaad kusii dhow dahay ayuu Sinama-Pongolle dhaliyey goolka guusha siiyey Liverpool, sidaas ayaanay ciyaartu ugu soo dhamaatay 2-1.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*