Liverpool mise Real Madrid? Diin-ceelaadka Huruudda Ah Oo Saadaaliyey Kooxda Ku Guuleysanaysa Champions League

Diin-ceelaadka huruudda ah ee waddanka Spain caanka kaah ayaa saadaal ka bixiyey finalka Champions League oo Sabtida ay ku kala calaf-qaadayaan Real Madrid iyo Liverpool oo magaalada Paris ku kulmi doona.

Diinkan 30 jirka ah oo 15 sannadood ka hor laga soo qabtay badda Sea Life Aquarium ee  Benalmádena (Málaga) ee waddanka Spain isaga oo ka yimid jasiiradda Cayman Islands ayaa waxa uu saadaaliyey finalka Champions League ee Sabtida.

Labaatankii sannadood ee ugu dambeeyey waxa soo badanayay xayawaannada laga sameeyo saadaasha kubadda cagta, waxaana la xasuusan yahay Koobabkii Adduunka ee sannadihii 2002, 2006, 2010 iyo xataa 2014 iyo 2018 oo xayawaanno ay samayn jireen saadaalo caan noqday.

Xannaaneeyeyaasha Diinkan oo midabkiisu huruud yahay ayaa waxay diyaariyeen laba caleemood oo la isku jirsiiyey laba mitir oo ay ku kala qoran yihiin labada magac ee labada  kooxood ee finalka, waxaana uu diinkani u dhaqaaqay dhinaca kooxda bidixda  ka xigtay oo ahayd Liverpool, sidaas ayaanay saadaashani ku noqotay mid uu koobka kusiiyey kooxda tababare Jurgen Klopp.

Diinkan oo ahaa midkii Saadaaliyey in Spain ay ku guuleysanayso Koobkii Adduunka 2010, isla markaana saadaalinta soo bilaabay wareegii siddeedda amaba siddeeddii ciyaarood ee ugu dambeeyey, ayaa haddana mar kale kusoo laabtay fagaareyaasha.

Maria Morondo oo ah agaasimaha suuq-qaynta Sea Life Benalmadena ayaa waxay sheegtay, in diinkan oo uu culayskiisu yahay 100kiiloo, in ay dad badan oo dalxiiseyaal ahi usoo daawasho tagaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*