Liverpool Mise Milan? Marco Asensio Oo Kala Doortay Labada Kooxood Ee Saxeexiisa U Ordayay

Marco Asensio ayaa kamida xiddigaha Real Madrid ee aan ahmiyadoodii hore oo kale lahayn, wuxuu doonayaa wakhti ciyaareed joogto ah wuxuuna kaliya ku heli karaa inuu koox bedelasho sameeyo.

Sida ay wararkii ugu dambeeyay sheegayaan, garabkaas weerar ayaa doorbidaya inuu u wareego kooxda ree Talyaani ee AC Milan halkii uu kaga biiri lahaa Liverpool.

Asensio oo booskiisa asalka ahi yahay garabka midig ayaa xilli ciyaareedkii dhammaaday ka dambeeyay Rodrygo Goes iyo Federico Valverde oo labaduba booskaas kaga horreeyay.

Wargeyska Sport ayaa sheegaya in labada kooxood ee xiisaynaya Marco ay yihiin Liverpool iyo Milan isla markaana sababta uu Milan u dooranayaa ay tahay inuu fursad ka badan midii uu Anfield ku heli lahaa iyada ka helayo.

Dhinaceeda Real Madrid ayaa rajaynaysa in Asensio uu heshiis kordhin sameeyo maadaama qandaraaskiisii hore yahah mid dhacaya xagaaga dambe ee 2023.

Los Blancos ayaa sababta ay heshiis kordhin uga doonayso Asensio tahay si aysan qaab xor ah xagaaga dambe ugu waayin amaba ay ugu yaraan 50 Milyan oo euro ugu iibin karaan.

Mid kamida waxyaabaha caqabada ku noqon karaa inuu Asensio heshiis cusub u sameeyo Madrid ayaa ah mushaharka uu dalbanayo oo ay kooxdaasi u aragto mid badan.

Sababta ugu weyn ee uu Asensio u doonayo koox uu joogto ugu ciyaaro ayaa ah inuu qayb ka noqdo xulka Spain ee koobka aduunka ciyaaraya bisha November ee sanadkan.

Image

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*