Liverpool Iyo Man City Oo Ka Faa’iidaysanaya Dhibaatada Chelsea & Xiddiga Laf-dhabarta Ah Ee Ay Kala Jiidanayaan

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa ka baqaysa in ay weydo xiddigeeda khadka dhexe ee Mason Mount oo ay uga gacan-haadinayaan labada kooxood ee horyaalka Premier League  ku xafiiltamaya ee Liverpool iyo Manchester City, xilli ay Blues ku jirto qalalaase ka dhashay xayiraadihii lagu soo rogay Roman Abramovich.

23 jirka reer England ayaan ku niyad-samayn Chelsea sababtoo ah waxa uu ka mid yahay ciyaartoyda ugu mushaharka yar, waxaanu toddobaadkii qaataa £70,000 Gini, halka ciyaartooyo uu aad uga shaqo badan yahay ay afar jibbaar ka mushahar badan yihiin.

Mason Mount ayay laba sannadood oo kali ka hadhsan yihiin dhamaadka heshiiska uu kula jiro kooxdiisa Chelsea, waxaanay taasi Blues ku keenaysaa walaac ay ka qabto mustaqbalka kubbad-sameeyahan.

Heshiis cusub oo ay qorshaynaysay Chelsea inay u bandhigto Mount si ay ugu sii hayso Stamford Bridge ayaa fashilmay markii xayiraadaha lagu soo rogay kooxda.

Tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa warbaahinta horteeda ka qirtay inuu aad u jecel yahay Mason Mount, sidoo kalena Pep Guardiola ayaa la rumaysan yahay in uu taageero u yahay kubbad-sameeyahan Ingiriiska ah.

Heshiiska hadda ee Mason Mount ayaa la saxeexay sannadkii 2019kii, waana waxyar ka hor intii aanu ka mid noqon kooxda koowaad, markii ay damceen inay qandaraas cusub oo ku sallaysan waxqabadkiisa ay u bandhigaana waxa dabar ku noqday xayiraadaha lagu soo rogay.

Liverpool iyo Manchester City ayaa labaduba si dhow ula socda xaaladda uu ku sugan yahay laacibkan, waxaanay si degdeg ah ugu dhaqaaqi doonaan sidii ay kula soo wareegi lahaayeen haddii ay wax fursad ah ka helaan dhinaca Chelsea.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*