Lewandowski Oo Aan Waxba U Qarinin Bayern Munich & Talaabada Uu Qaaday Ee Uu Ku Caddaystay Doonista Barcelona

Weeraryahanka Bayern Munich ee Robert Lewandowski ayaa u muuqda mid aan waxba u qarin kooxdaas sida ay sheegayaan wararkii ugu dambeeyay ee la xidhiidhinaya inuu Barcelona u wareegayo suuqa xagaaga sanadkan.

33 sano jirkaas ayaa saxaafada si cad uga hor sheegay rabitaankiisa ah inuusan doonayn inuu wax heshiis kordhin ah sameeyo iyadoo Barca ka dhigatay bartilmaameedkeeda koowaad ee suuqa xagaaga.

Lewy ayaa heshiiska uu ku joogo Allianz Arena yahay mid hal sano oo kale ka hadhay balse waxa uu doonayaa inuu bilaha soo socda ka dego Camp Nou.

Sida uu haatan sheegayo wargeyska Germany caanka ka ah ee BILD, Lewandowski ayaa taleefan uu arrimaha heshiiskiisa Barcelona kaga hadlayay ku dhex qabtay qolka labiska kooxdiisa iyo iyadoo ay hareero joogaan toosna u maqlayaan xiddigaha ay koox wadaaga yihiin.

Lewandowski ayaa Sabtidii ciyaaray kulan noqon kara midkiisii ugu dambeeyay ee Bayern Munich isaga oo gool kasoo dhaliyay ciyaartii ay bar-bardhaca 202 ah la galeen Wolfsburg.

Kabtanka xulka Poland oo 35 gool kusoo dhaliyay 34 kulan oo horyaalka ah ayaa kulankaas Wolfsburg kaddib sheegay inuu kooxda u caddeeyay inuusan wax heshiis kordhin ah samayn doonin.

Marka laga yimaado rabitaankiisa, dhammaan maamulka sarre ee Bavaria ayaa wali ku adkaysanaya inaysan iibinayn oo uu ugu yaraan dhammaysan doono heshiiskiisa xilli ciyaareedku ka hadhay.

Image

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*