Tababaraha Manchester City ee Pep Guardiola ayuu layaab ku dhacay markii loo sheegay tirada abaal-marinta ‘tababaraha bisha’ ee uu ku guuleystay Sir Alex Ferguson.
Guardiola ayaa markii labaad oo xidhiidh ah ku guuleystay abaal-marinta tababaraha bisha oo uu hore u qaatay November, kaddib markii ay kooxdiisu guulo xidhiidh ah ka gaadhay horyaalka Premier League.
Manchester City ayaa bishii December waxay siddeed dhibcood ka hormartay Chelsea, waxaanay hadda hoggaanka ku hayaan 11 dhibcood oo ay ka horreeyaan Liverpool oo kaalinta labaad soo gashay markii ay 3-0 kaga adkaatay Brentford.
Pep Guardiola ayay u ahayd markiisii 11aad ee uu ku guuleystay abaal-marinta tababaraha bisha, waana rikoodh marka la eego muddada kooban ee uu joogay Etihad Stadium.
50 jirkan ayaa noqday tababaraha saddexaad ee ugu guulaha badan abaal-marintan, waxaana kaliya ka horreeya Sir Alex Ferguson oo 27 jeer ku guuleystay iyo Arsene Wenger oo 15 mar ku guuleystay muddo 21 sannadood ka badan oo Gunners hoggaamiyey.
Isaga ka hadlayay shir jaraa’id ayaa waxa la weydiiyey Guardiola: “11 jeer ayaad ku guuleystay abaal-marinta tababaraha bisha, kaliya waxa kaa horreeya Wenger iyo Ferguson oo kaa guulo badan. Miyaad ku faraxsan tahay taas?”
Guardiola oo ka jawaabay su’aashaas ayaa yidh: “Taxadara, Sir Alex iyo Wenger-oow, waan soo socdaa…”
Wariye ayaa markaas kaddib weydiiyey: “Miyaad garanaysaa inta uu Ferguson ku guuleystay?”
Tababaraha reer Spain ayaa aamusay, waxaana loo sheegay tirada uu Sir Alex Ferguson ku guuleystay oo ah 27.
Jawaabta uu Guardiola bixiyey ayaa noqotay: “Yaa Ilaahi!…. Isaga ayaa hadda iska leh. Waa xaqiiq in aanan eryan karayn!”
Halkan kaga bogo tobanka tababare ee ugu guulaha badan abaal-marinta bisha:
Sir Bobby Robson – 6 jeer
Sam Allardyce – 6 jeer
Rafael Benitez – 7 jeer
Harry Redknapp – 8 jeer
Martin O’Neill – 8 jeer
Jurgen Klopp – 9 jeer
David Moyes – 10 jeer
Pep Guardiola – 11 jeer
Arsene Wenger – 15 jeer
Sir Alex Ferguson – 27 jeer
Be the first to comment