Lambarka Ay Manchester United U Diyaarisay Frenkie De Jong Oo La Ogaaday – Waa Kuma Xiddiga Laga Wareejinayaa?

Manchester United ayaa mar horeba meel sii dhigtay lambarka ay u qorshaysay xiddiga reer Netherlands ee Frenkie de Jong oo ay kala soo wareegayaan Barcelona, kaddib markii ay labada kooxood ka heshiiyeen lacagta ay ku kala iibsanayaan, haddana kaliya ay hadhsan tahay in United ay mushaharka iyo tirada sannadaha uu saxeexayo la meel dhigto kubbad-sameeyahan.

25 jirkan ayaa Old Trafford kula midoobi doona tababarihiisii hore ee Erik ten Hagn, hase yeeshee ciyaartoyda kale ee uu ugu tegayo Carrington ayaa ku noqonaya wajiyo aanay hore iskaga soo garab ciyaarin, inkasta oo la filayo in laacibiin kale oo Ajax ah ay yimaaddaan United.

Erik ten Hag ayaa bartilmaameedkiisa koowaad ka dhigtay De Jong oo uu doonayo inuu xalliyo dhibaatada khadka  dhexe ka haysata kooxda uu usbuucan la wareegay, iyadoo sidoo kale loosii diyaariyey lambarka uu xidhanayo.

Frenkie de Jong ayaa xilli ciyaareedkii 2016/17 waxa uu Ajax u xidhay No.21, waxaana uu lambarkaasi yahay midka uu waqtigii ugu badnaa xidhnaa, isaga oo sannadkii 2019 oo wax laga weydiiyey uu yidhi: “Lambarkan waxa aan ku dareema raaxo. Si fudud ayaan ugu ciyaari karaa lambarro kale, waanad ogtihiin in aanay dhibaato ahayn laakiin waxa wanaagsan in dadku ay kan igu aqoonsadaan.

“Maalintii la isoo bandhigayay Barcelona waxa aan keenay qoyskayga oo dhan, marka laga reebo awoowgay Hans de Jong oo ah aabbaha dhalay aabbahay. Waxa uu geeriyooday maalintii aan u dabbaal-degayay sannad-guurada 21aad ee dhalashadayda.”

De Jong ayaa Barcelona markii uu usoo wareegay sannadkii 2019 waxa uu xidhay No.21 oo uu markaas banneeyey Carles Alena, halka xulka qarankiisa Netherlands uu ku bilowday No.23 iyo No25, hase yeeshee waxa uu sannadihii ugu dambeeyey la wareegay lambarka uu jecel yahay ee No.21.

Lambarkee ayuu Frenkie de Jong u xidhanayaa Manchester United?

Waa su’aal jawaabteeda ay mar horeba sii diyaarisay Manchester United, waxaana uu kubbad-sameeyahani si fudud kula wareegayaa lambarka uu jecel yahay oo meel cidlo ah loo sii dhigay.

Daniel James iyo Ediinson Cavani ayaa sannadihii ugu dambeeyey u xidhay Manchester United lambarka uu laacibkani raaxada ku dareemo ee No.21, waxay se labadooduba ka tageen Old Trafford iyadoo Daniel James uu xagaagii hore u wareegay Leeds United, halka Cavani uu si xor ah kaga baxay Old Trafford xagaagan.

Tani waxay ka dhigan tahay in De Jong uu meel usii yaallo lambarkiisa No.21 oo loo xidhidhi doono maalinta lagu soo bandhigayo Old Trafford.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*