LAMA FILAAN: Karim Benzema Oo Dib Ugu Soo Laabanaya Koobka Adduunka & Niyad-samaantii Didier Deschamps Oo Shaqaysay

Karim Benzema ayaa la sheegay inay suurtogal tahay inuu dib ugu soo laabto xulka qaranka France oo uu ciyaaro qaybaha dambe ee Koobka Adduunka, inkasta oo uu hadda ka maqan yahay oo uu dhaawac u jiifo.

Weeraryahankan ayaa uu dhaawac kasoo gaadhay tababarka xulka qarankiisa maalin ka hor intii aanu bilaabmin Koobka Adduunku, waxaana uu sidaas kaga baxay liiska xulka, hase yeeshee tababare Didier Deschamps ayaa diiday in booskiisa uu kusoo beddelo ciyaartoy kale.

Deschamps ayaa ku adkaystay inuu haysto ciyaartoydii uu u baahnaa oo dhan, sidaas darteedna aanu u baahnayn inuu booska Benzema keeno weeraryahan kale, taas oo laacibkan fursad u siinaysa inuu xulkiisa dib ugu laaban karo inta uu socdo Koobka Adduunku haddii uu taam ka noqdo dhaawacyada.

Faransiiska oo u dagaallamaya sidii ay u difaacan lahaayeen Koobka  Adduunka ee ay sannadkii 2018 ku guuleysteen, ayaa waxa haddii ay arrintaasi u suurtogasho ay noqon doonaan dalkii koowaad ee laba jeer oo isku xigta ku guuleysta Koobka Adduunka tan ioyo sannadkii 1962kii oo ay Brazil laba jeer oo isku xigta  qaadday.

Inkasta oo dhaawacyo tiro badan ay hoos u dhigeen awoodda xulka  Faransiiska oo ay ka maqan yihiin N’Golo Kante, Kimpembe, Paul Pogba, Christian Nkunku iyo Lucas Hernandez oo kulankii koowaad ku dhaawacmay, haddana waxa la sheegayaa in Benzema uu dib ugu soo laabanayo tababarka toddobaadkan oo ay suurtogal tahay inuu xulka dalkiisana u ciyaaro qaybaha dambe ee Koobka Adduunka, maadaama uu wali ku jiro liiska ay hayso FIFA oo aan laga saari xulka France.

Telefishanka RMC Sports iyo wargeyska L’Equipe ayaa laduba sheegay inay jirto suurtogalnimo weyn oo Benzema uu ugu soo laaban karayo Koobka Adduunka kaddib markii ay usoo gudbeen wareegga 16ka, laakiin waqtiga suurtogalka ah ee uu iman karayo ayaa ah wareegyada  siddeedda ama semi-finalka.

Si kastaba ha ahaatee, tababare Didier Deschamps ayaa go’aan kama dambays ah ka gaadhi doona inuu u ogolaado Benzema inuu kusoo laabto xulka dalkiisa iyo inuu sidaas kaga maqnaado.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*