Goolhayaha kooxda Real Madrid ee Thibaut Courtois ayaa kahor kulanka El Clasico ee caawa amaan ugu qubeeyay dhigiisa Barcelona ee Thibaut Courtois oo uu ku sifeeyay midka farqiga u samaynaya kooxdaas xilli ciyaareedkan.
Real Madrid oo caawa marti ku ah Camp Nou ayay u taalaa shaqo adagi iyagoo isku dayi doona inay jabiyaan daafaca iyo goolhayaha kooxdaas ee xilli ciyaareedkan oo dhan horyaalka siddeeda gool laga soo dhaliyay kaddib 25 kulan.
Courtois qudhiisa ayaa kulamadan ugu dambeeyay xaalad wanaagsan ku jiray iyadoo kaliya laba gool laga soo dhaliyay toddobadii ciyaarood ee ugu dambeeyay horyaalka.
Courtois ayaa sheegay inuusan Ter Stegen horumar samayn ee marka horeba ahaa shabaq-ilaaliye fiican isla markaana uu xaalad fiican haatan ku jiro.
“Uma malaynayo inuu horumaray gabi ahaanba sababtoo ah Ter Stegen markasta wuxuu ahaa goolhaye cajiib ah. Mararka qaar waxa jira dhirbaaxooyin kugu dhacaya waayahaaga ciyaareed iyo nasiib xumo iyadoo marar lagaa dhalinayo goolal nasiim xumo ah”.
“Waxa haatan dhacayaa waa in arrimuhu si wanaagsan ugu socdaan, goolhaye kalsooni qabaana in kasii badan ayuu koraa”.
“Xilli ciyaareedkan Barcelona asaasi daafac oo aad u wanaagsan ayay leedahay fursadaha kooban ee lagu helana waxa celiya Ter Stegen”
“Marar badan ayay 1-0 kusoo guuleysteen haddii uusan isagu joogina waxay ahaayeen kulamo barbardhac ku dhammaan lahaa, in Barcelona sagaal dhibcood hoggaanka ku hayso tayadiisa ayaa sababtay, waxaan u rajaynayaa waxa ugu wanaagsan balse Axada waxaan rajaynayaa inuusan wax badan joojin”.
Be the first to comment