Kooxda kubadda cagta Bayern Munich ayaa u dhow inay heshiis saddex sannadood ah la gaadho xiddiga xyulka qaranka Senegal iyo Liverpool ee Sadio Mane, kaas oo ay filayso in kaliya ay ku heli doonto €30 milyan oo Euro oo ay Liverpool kaga faro-maroojin doonto.
Sadio Mane ayaa gelaya sannadkii ugu dambeeyey qandaraaskiisa Liverpool, waxaana uu xalay qumbulad ku tuuray naadigiisa xilli ay isku diyaarinayeen safarka ay ku tegeen magaalada Paris oo finalka Champions League ay kula ciyaarayaan Real Madrid.
Bayern Munich ayaa Sadio Mane ka dhigatay bartilmaameedkeeda xagaagan, waxaase sidoo kale indhaha ku haya Barcelona iyo Paris Saint-Germain oo iyaguna diyaar u ah inay dalabyo ka gudbiyaan haddii ay arkaan in ay lacag sidaas u hoosaysa ku heli karayaan, hase yeeshee Bayern Munich ayaa ah naadiga ugu cadcad.
Sida uu qoray wargeyska L’Equipe ee kasoo baxa waddanka Jarmalka, Bayern Munich waxay wada-hadallo meel fiican maraya kula jirtaa Sadio Mane, waxaanay u dhow yihiin in dhinacyadu ay gaadhaan heshiis saddex sannadood ah.
Agaasimaha ciyaaraha Bayern Munich ee Hasan Salhamidzic ayaa la kulmay wakiilka Sadio Mane oo uu u caddeeyey sida ay kooxdiisu u doonayso inay hesho adeegga ciyaareed ee laacibkan, waxaanu u ballan-qaaday inay siin doonaan mushahar aad uga badan midka uu ka helo Liverpool.
Munich ayaa ka dhiganaysa Sadio Mane beddelka Robert Lewandowski oo sannad ka hadhsan yahay heshiiskiisa balse dalbaday in la iibiyo xagaagan, si uu ugu wareego koox kale oo uu xilli ciyaareedka dambe ugu dheelo, waxaanu uga dhaartay inuu qandaraas cusub u saxeexo.
33 jirkan ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa Barcelona oo u gacan-haadinaysa, taas oo la sheegay in qandaraas saddex sannadood ah ay isla meel dhigeen.
Dhinaca kale, Sadio Mane oo lix sannadood u ciyaaray Liverpool oo sannadkii 2016 uu kaga soo biiray Southampton una dhaliyey 120 gool, ayaan ogolaanin dalabyo heshiis kordhin ah oo ay kooxdiisu u bandhigtay.
Xiddigan oo Liverpool kula guuleystay Champions League, Premier League, FA Cup, EFL Cup iyo Club World Cup ayaa xalay shaki weyn sii geliyey mustaqbalkiisa Liverpool, kaddib markii uu diiday inuu xaqiijiyo inuu joogayo isaga oo su’aal laga weydiiyey ku yidhi: “Way adag tahay in aan ka jawaabo su’aashaas hadda, laakiin waxa aan xaqiijin karayaa in hadda aan kaliya diiradda saarayo Champions League. Su’aashaas i weydiiya kaddib Champions League, markaas ayaan kaaga jawaabi doonaa.”
Be the first to comment