LACAG JACAYL: Alex Song Oo Sheegay Wixii Uu Yidhi Markii Barcelona Isagoon Ku Biirin Usii Sheegtay Inuu Keydka Ku Qudhmi Doono

Khadkii dhexe ee Arsenal ee Alex Song ayaa iska diiday fursad uu halyeey kaga noqon lahaa kooxdaas waxaana uu ku biiray Barcelona si uu u noqdo Milyaneer.

34 sano jirkaas ayaa sanadkii 2006 Arsenal kaga biiray dhinaca horyaalka Ligue 1 kahor inta uusan go’aansan inuu iskaga tago sanadkii 2012.

Song ayaan wax koob ah kula guuleysan Arsenal balse ugu dambayn heshiis 15 Milyan oo pound ahaa ugu wareegay Barcelona isaga oo ciyaaryahan kursiga keydka la saaxiib ah ka noqday kooxdaas.

Song ayaa xilli ciyaareedkiisii ugu dambeeyay 34 kulan uga soo ciyaaray Gunners horyaalka wakhtigaas oo uu 24 sano jir ahaa waxaana uu soo sameeyay 11 caawimo iyaga oo booska saddexaad kaga dhammaystay horyaalka.

Song oo haatan ka sheekeeyay heshiiskii uu Barca ugu wareegay ayaa sheegay in loosii sheegay inuusan in badan ciyaari doonin balse aysan waxba ka qusaynin midaas maadaama oo uu Milyaneer noqonayay.

“Markii ay Barcelona heshiis isoo bandhigtay ee aan arkay lacagta aan qaadan doono, laba jeer maan fikirin, waxaan ku fikiray in xaaskayga iyo caruurtaydu ay nolol raaxo leh helaan marka waayahayga ciyaareed dhammaadaan”

“Waxaan la kulmay agaasimaha ciyaaraha Barca, waxa uu ii sheegay in aanan in badan ciyaari doonin balse waxba igama gelin, waan ogaa inaan noqon doono Milyaneer.”

“Waxaan doonayay inaan ka garab muuqdo ragga waaweyn, waxaan kasoo dukaamaysan karayay meesha aan doono waxaanan u bixi karayay habeeno xafladaysi waali ah”

“Tababarka ayaan tagi karayay waxaanan arki karayay Theirry Henry, boqorka, waxaan ku iman karayay gaadhi cajiib ah”

Waxa la xasuustaa wakhtigaas in saxaafada Spain gaar ahaan kuwa Catalonia ay amaaneen saxeexa Song halka ay fashil ku tilmaameen Luka Modric oo isla sanadkaas ku biiray Real Madrid, Modric ayaa kusoo guuleystay dhammaan koobabka heer kooxeed haatan walina da’da 36 sano jir kulamada waaweyn ku maamulaya halka Song uu ka ciyaaro horyaalka dalka Jabuuti.

Image

Image

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*