LA OGAADAY: Hadalka Mustaqbalkiisa Ku Saabsan Ee Uu Dembele La Wadaagay Asxaabtiisa Barcelona Oo Qish Lagu Helay

Garabka kooxda Barcelona ee Ousmane Dembele ayaa lagu soo warramayaa inuu go’aanka mustaqbalkiis la wadaagay xiddigaha ay isku kooxda yihiin.

Heshiiska Dembele ee Barcelona ayaa ah mid dhacaya dhammaadka xilli ciyaareedkan waxaana la filayaa inuu baxo 30-ka bisha June iyo wixii ka dambeeya. Dembele ayaa haatan sheegay inuu ku faraxsan yahay mashruuca uu macalin Xavi Hernandez kooxda ka dhisayo.

Dembele ayaa dhawr dalab oo heshiis kordhin ah ka diiday Barca qaybtii hore ee xilli ciyaareedka, waxa si weyn loola xidhiidhinayay inuu baxo suuqii January balse ma suurogalin.

Tababare Xavi ayaa 24 sano jirkaas dib ugu soo celiyay shaxda asaasiga ah ee kooxda waxaana uu ahaa mid wacdarro soo dhigay kulamadii ugu dambeeyay.

Dembele ayaa is-faham weyn oo dhinaca weerarka ah la samaystay Aubameyang oo ay Borussia Dortmund hore uga soo wada tirsanaayeen iyo Ferran Torres isaga oo toddoba caawimo soo sameeyay shantiisii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka.

Si kastaba, sida laga soo xiganayo Mundo Deportivo, Ousmane ayaa u sheegay xiddigaha kale ee Blaugrana inuu ku faraxsan yahay kooxda doonayona inuu sii joogo.

“Waxaan doonayaa inaan sii joogo Barca, halkan aad ayaan ugu faraxsanahay, waan aaminsanahay mashruucan, intaas waxa dheer inaan aad ugu faraxsanahay Xavi”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*