Kylian Mbappe Oo Shaaciyey Inuu Doonayey Inuu Ka Fadhiisto Ciyaaraha Caalamiga & Arrinta Uu Ka Cadhooday

Xiddiga reer France ee Kylian Mbappe ayaa go’aansaday in uu ka fadhiisto ciyaaraha caalamiga ah oo uu joojiyo inuu mar dambe xidho garanka xulka qarankiisa France, kaddib markii uu rikoodhe khasaariyey tartankii Euro 2020 ee bishii June ee sannadkii hore.

Faransiiska ayaa ku hadhay wareegga 16ka markii ay Switzerland rikoodheyaal ku garaacday, waxaana xiddigihii rikoodhaha khasaariyey ku jiray Kylian Mbappe oo kubadda u dhiibay goolhaye Yann Sommer.

Madaxweynaha xidhiidhka kubadda cagta Faransiiskaee Noel Le Graet ayaa waraysi uu bxiiyey Axaddii shalay waxa uu ku sheegay, in Mbappe uu ka fikirayay in uu ka fadhiisto kubadda cagta caalamiga ah, kaddib markii uu dhamaaday tartankii qaramada Yurub, waxaanu sababta ku sheegay in aanu helin taageeradii uu u baahnaa markii uu lumiyey rikoodhihii sababta u noqday in dalkiisu ka hadho tartankaas.

Le Graet ayaa yidhi: “Waxa aan la kulmay Mbappe kaddib Euro-dii, waxa uu dareensanaa in aanu xidhiidhku difaacin markii uu khasaariyey rikoodhaha oo canaan badan loogu soo jeediyey warbaahinta bulshada. Shan daqiiqadood ayuu xafiiskayga ila  joogay. Wuu cadhaysnaa, ma aanu doonayn inuu mar dambe u ciyaaro xulka Faransiiska.

“Waad garanaysaan sida ay ku imanayso taasi, sababtoo ah waa guuleyste, waanu niyad-jabsanaa sidii aynu inaguba dhamaanteen uga niyad-jabnay inaynu hadhno. Waa ciyaartoy saaxiib la ah warbaahinta, waa wiil wanaagsan oo aad uga furfuran sida ay dadku moodayaan.”

Hadalkan Le Graet kaddib, Kylian Mbappe ayaa qoraal uu kusoo daabacay bartiisa Twitter-ka waxa uu sharraxaad dheeraad ah kaga bixiyey sababtii uu u doonayay inuu uga fadhiisto u ciyaarista xulka, waxaana uu beeniyey hadalka Madaxweynaha ee ah in rikoodhaha uu khasaariyey uu uga fadhiisanayo ciyaaraha.

Mbappe ayaa sheegay in lagula  kacay cunsuriyad iyo midab-takoor, taas darteedna uu u doonayay inuu uga fadhiisto ciyaaaraha, waxaanu yidhi: “Haa, ugu dambayntii waan u sharraxay isaga (Le Graet) in sababtu la xidhiidhay cunsuriyad, mana ahayn rikoodhaha, laakiin isaga ayaa ku adkaysanayay in aanay cunsuriyad jirin.”

Le Graet ayaa hore ugu dooday in aanay wax cunsuriyad ahi ka jirin kubadda cagta, mar uu bishii September ee sannadkii 2020 ka hadlayay madasha BFM Business, waxaanu yidhi: “Marka uu ciyaartoy midabkiisu madow yahay gool dhaliyo, garoonka oo dhan lugtiisa ayuu hoos imanayaa, markaa cunsuriyad kama jirto kubadda cagta dhexdeeda.”

Mbappe oo 23 jir ah ayaa xulka qaranka Faransiiska u saftay 57 kulan, waxaana uu ka mid ahaa xiddigihii sababta u ahaa in dalkaasi ku guuleysto Koobkii Adduunka 2018.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*